|

Wiilkii dhawaanta ku dhuurtay Shaaga Duyuurad Hawaii ku socotay ayaa loo diiday in Aaabihii uu arko

Honolulu May 03,2014(SDN/QJ)-Aabaha dhalay wiil dhawaan ku dhuuntay  shaaga diyaarad u duuleysay Hawaii ayaa doonayay in uu cusbitaalka ku booqdoinankiisa balse aaney u suurto gelin.

Abaaha dhalay wiilka ayaa gaaray magaalada Honolulu horaantii todobaadkan ayaa laga hor istaagay in uu booqdo inanka uu dhalay.

Wiilka oo 15 jir uun ah ayaa aabihii hore ugu eedeeyay in uu u sheegay in hooyadii ay ku dhimatay colaada Soomaaliya.

Balse kolkii uu wiilku ogaaday in Hooyadii nooshahay waxa uu damcay in uu duyuurad ku dhuunto oo uu Soomaaliya ku booqdo.

Aabaha wiilka dhalay ayaa sheegay in inankiisu la qabsan kari waayay no;osha Mareykanka isla markaana doonayay in uu Soomaaliya ku noqdo.

Ma cada cida iska hortaagtay abaahan Soomaaliyeed in uu wiilkiisa arko,waxaase warbaahintu tuhunsan tahay waaxda dhawrta xuquuqda caruurta ee Mareykanka.

Hadal heynta Saxaafada ee wiilkan Soomaaliyeed ayaa ah mid nooceeda aan weli hore u soo marin Soomaalida ku nool Galbeedka.

SDN/QJ-Honolulu

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed