Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya oo sababay shilka geerida nin Turkiga
Istanbul December 18, 2023 (QJ) -Baaritaan lagu sameeyay shil gaari oo uu ku dhintay nin Turki u dhashay oo uu geystay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo 30-kii bishii November ka dhacay magaalada Istanbul, ayaa laga soo saaray natiijooyin cusub, sida lagu sheegay warbixin ay soo saaray guddiga baaritaanada shilalka ee Turkiga.
Warbixinta baaritaanka ayaa lagu sheegay in shilka gaari ee ka dhacay Istanbul, kaasoo galaaftay nolosha nin 38 ahaa oo wada mooto, uu sabab u ahaa wiil uu dhalay madaxweyne Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, warbixintu waxay iftiimisay in Maxamed Xasan Sheekh uu ugu horrayn qaladka lahaa sababtoo ah ma uusan dhimin xawliga gaarigii uu waday, taasoo keentay inay isku dhacaan mootada Göcer.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Göçer uu galay qaladka labaad ee shilka isagoo ku guuldareystay inuu eego muraayadaha ka hor inta uusan leexan. Iyaz Çimen, oo ah qareenka qoyska Göçer oo la hadlay wakaaladda ayaa yiri: “Darawalka gaariga, oo boqolkiiba 100 khalad ahaa, waxaan filayaa in lagu ciqaabi doono arrintan.”