Wiilka Madaxweynaha Soomaaliya oo laga yaabo in Lix sanadood la xiro
ISTANBUL -Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa diyaariyay dacwad ka dhan ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ku dalbanayaan in lagu xukumo ilaa lix sano, kaddib shil baabuur oo uu ku dhintay muwaadin Turki ah.
Kiiskan oo uu soo diyaariyay xafiiska dacwad oogaha Istanbul ayaa dalbanaya in lagu xukumo wiilka madaxweynaha Soomaaliya xabsi u dhaxeeya labo ilaa lix sano.
Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay “in uu sababey dil ka dhashay dayac”. Warbixin ay dhawaan soo saareen koox khubaro ah oo daawaday muuqaalka shilkan ayaa lagu sheegay in wiilka uu dhalay madaxweynaha uu qaladka shilka lahaa maadaama oo uusan baabuurka xakameyn.
Warbixin hore ee booliisku Istabul diyaariyeen ayaa waxay ku eedaysay Yuunus Göçer inuu ka dambeeyay shilka, waana sababta ay booliisku u sii daayeen Maxamed. Wiilka Madaxweynaha ayaa si lama filaa ah uga dhoofay Turkiga oo uu ilaa haatan dib ugu noqon.
Dacwad oogeyaasha ayaa Maxamed ku eedaysay inuu sabab u ahaa dhimashada Yunus Emre Göçer oo 38 jir ahaa.