Wiil Uu Siyaad Barre Awoow u Ahaa Oo Maraykanku Soo Dalbaday In Loo Gacan Galiyo
Stanbul:May,17,2014(SDN/QJ)-Garyaqaano ka soo jeeda Dalka Holland ayaa dedaal ugu jira sidii ay meesha uga saari lahaayeen Iskudayo ay maraykanku ku doonayaan in loogu soo Gacan Geliyo Wiil uu Awoow u ahaa Madaxweynihii hore Ee Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Ninkan Muranku ka Taagan oo magaciisa lagu soo koobay Ahmed ayaa haatan ku xidhan dalka Turkiga, iyadoo lagu wado inuu Garsoore Turkish ah go’aan ka gaadho Kiisakaasi bishan May 22-da.
Eedeysane Ahmed oo 26-jir ah, ayaa lagu eedeynayaa Falal Argagixiso, inkastoo uu beeninayo Eedeymahaasi.
Muwaadinkaasi asalkiisu Soomaaliga yahay, balse haatan haysta Dhalashadda dalka Holland ayaa dalkaasi Qaxootinimo ku galay sannadihii 90-aadkii, wuxuuna dalka Holland ku noolaa ilaa ay da’diisu ka gaadhay 17-sanno, kadibna waxa uu u wareegay dalka Britain oo uu ka bartay Cilmiga Makaanikadda ee Diyaaradaha.
Ahmed isaga iyo Xaaskiisa oo u dhalatay dalka Jarmalka, waxay u wareegeen dalka Masar, iyadoo ay Maamulayaasha Masdar gacanta ku dhigeen bishii August ee sannadkii hore, waxaana lagu xidhay Xabsiga Tora prison ee magaalladda Qaahira.
Boliska Masar waxay muddo hal sanno ah hayeen Eedeysanahaasi, oo ay ugu dambeyntii iska sii daayeen bishii March ee sannadkan 2014-ka, waxayna u soo masaafuriyeen dalka Turkiga oo haddana lagu xidhay.
Dhinaca kale, Garyaqaaanka u doodaya Eedeysanaha oo lagu mafacaabo Andre Seebregts ayaa u sheegay Wargeyska The Netherlands Times inuu buuxiyey Fayl uu kaga hortagyo inaanay Maxkamadaha Turkiga go’aaminin in Eedeysanaha loo gacan-geliyo Maraykanka.
Garyaqaanka waxa uu Walaac xooggan ka muujiyey haddii Eedeysanaha uu u doodayo loo gacan-geliyo Maraykanka inuu noloshiisa ku dhamaysanayo Xabsiga ADX Florence oo ku yaalla Gobalka Kolaraado ee Maraykanka.
Waxa uu intaasai ku daray in aan marnaba lala xidhiidhin Karin dadka lagu xidho Xabsigaasi oo ah kan ugu ammaanka adag Xabsiyadda Maraykanka.
Warka Ninkan ayaa waxa Baahiyey Wargeyska ka soo Baxa Dalka Holland ee Netherland Times.
SDN/QJ
timo@Qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com