Wiil uu Adeer u ahaa Raysal Wasaarihii Hore Somalia oo Telefishanka CBC Ku Sheegay in lagu Dilay Ciraaq
Baghdad 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Warar lagu soo daabacay Baraha ay Internetka ku leeyihiin Kooxaha Jihaad doonka ee Dalka Iraq ayaa lagu sheegay in Farax Maxamed Shirdon lagu dilay Dagaal ka dhacay dalkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Canada, ayaa sheegtay in ay ka warhayso in Faarax Maxamed Shirdon, oo ah Wiil uu adeer u yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku dhintay Dagaalka Iraq.
“Waxaan maqalnay in Farax Maxamed Shirdon, oo ah Muwaadin haysta Dhalashada Canada, balse asal ahaan Soomaali yahay in lagu dilay Iraq, balse ma hayno goorta la dilay & sida lagu dilay,,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada John Baird.
Wuxuu sheegay Wasiirka inay si dhaw ula socdaan Muwaadiniin u dhashay dalkiisa oo ku biiraya Kooxaha ka dagaalamaya dalalka Syria & Iraq, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in laga dhigay xag-jiriin.
Dhanka kale, Talefeeshinka CBC ayaa baahiyay in Farax Maxamed Shirdon lagu dilay dalka Iraq, balse ma uusan sheegin in Dagaalka ama Duqeyn midkood lagu dilay, waxaana TV-ga uu sheegay in Xariir uu la sameeyay Qoyska Farax Maxamed Shirdon, balse aysan u suura galin inuu helo.
Nin sheegtay inay Walaalo yihiin Farax Maxamed Shirdon, ayaa ku soo qoray Twitter-ka Warar uu ku raadinayo Xariirka Kooxda ISIS ama Daacish, si uu u helo xaqiiqda dhabta ah ee ku aadan Geerida Walaalkiiisa oo Warbaahinta uu ka maqlay.
Farax Maxamed Shirdon, ayaa Afara Bilood kahor kasoo muuqday Muuqaal (Vidoe) ay leeyihiin ISIS, isagoo gubaya Baasaboorkiisa dalka Canada, waxaana markaasi uu soo diray fariin ah in uu kamid yahay Kooxda ISIS oo ka dagaalanta Syria & Iraq.
Qoyska Farax Maxamed Shirdon ayaa hadda ku nool dalka Canada gaar ahaan magaalada Calgary ee Gobolka Alberta, waxaana ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan Warka sheegaya in Wiilkooda uu ku dhintay Iraq.
Waxaa jira Dhalinyaro badan oo Wiilal & Gabdho isagu jira oo ah Soomaalida ku dhashay ama ku barbaaray dalalka Dibadda oo Mudooyinki danbe ku birayay Kooxaha Dagaalka kawada dalalka Syria & Iraq, waxaana Tallaabadaasi ay Dhibaato & Cabsi horleh u keentay Waalidiinta dhalay Caruurtaasi.
Baghdad SDN/QJ
contact@qurbejoog.com