Wiil Somaliyeed Oo Ku Eedaysan Xasuuqii Xeebta Kenya Ka Dhacay Oo Maxkamad La Soo Taagay
Nairobi:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Dalka Kenya, ayaa maalintii shalay la soo taagay Muwaadin somaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Omar Abdurahman oo 26 jir ah, laguna eedeeyey inuu lug ku lahaa Dilal dhawaan Ka dhacay Gobolka Xeebta Kenya.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in bishan August 13-dii lagu qabtay Galbeedka Degmadda Lamu, waxaana loo gudbiyey Saldhigga Boliska ee Mpeketoni.
Boliska ayaa sheegay inuu Eedeysanahaasi ka mid ahaa koox budhcad ah oo ka qeyb qaatay waxa uu ugu yeedhay xasuuqii ka dhacay Mpeketoni bishii June 15-dii ilaa 16-dii ee sannadkan.
Sarkaaladda gacanta ku haysa Kiiskaasi, oo lagu magacaabo Raphael Wanjohi ayaa ka codsatay Maxkamadda in Eedeysanaha la sii hayo muddo 10-maalmood, si ay Boliska u dhamaystiraan Baadhitaankooda.
Eedeysanaha Omar Abdurahman waxa uu Maxkamadda ka codsaday in loo oggolaado in laga daaweeyo xanuun hayey.
Kiiska Eedeysanahaasi ayaa lagu wadaa in mar kale la dhegeysto maalinta burrito ama sabtida ku xigta, si go’aan loo gaadho dalabkiisa .
Dhinaca kale, Muwaadin u dhashay dalka Tanzania oo lagu magacaabo Ali Mohamed Faki ayaa isagana la soo taagay Maxkamadda, iyadoo lagu eedeynayo inuu si sharci-darro ku joogay Kenya iyo inuu qorsheynayey inuu u tallaabo Somalia.
SDN/QJ