|

Wiil Kasoo Jeeda Qoyska Ra’isal wasaarihii Hore ee Somalia Oo Dhimasho Lagu Qoray Oo Beeniyey Inuu Geeriyooday

Mousil:Sep,13,2014(SDN/QJ)-Wiil uu Adeer u yahay Ra’isla wasaarihi hore ee Somalia Cabdiweli faarax Shirdoon ooh ore loo sheegay inuu ku dhintay Duqaymo Laga fuliyey Dalka Ciraaq, ayaa beeniyey inuu dhintay.

shirieFarah Mohamed Farah Shirdoon oo qoraal gaaban kusoo qoray bogiisa Twitter-ka ayaa sheegay inaanu dhiman, balse uu soo gaadhay dhaawac uu haatan kasoo kabsanayaa, “ Alxamdulilah waa been abuur wararka warbaahintu ay qoreen ee kusaabsan inaan geeriyooday,balse waxaan cadeenayaa inaan kudhaawacmay dagaal waqooyiga Iraq kadhacay hadana waan soo wanaagsanaanayaa” ayuu yidhi Farah.

Warbaahinta dalka Canada iyo Kuwa mareykanka ayaa bishii August waxay daabaceen in uu geeriyooday wiilkan Farah lagu magacaabo ee haysta dhalashada wadanka Canada kaas oo horaantii sanadkan kubiiray kooxda ISIS ee Iraq iyo Syria.

Kooxda ISIS ayaa waxaa ka barbar dagaalama dhalinyaro Somali ah kuwaa oo uu kujiro wiil uu udhalay Hogaamiyaha mucaaradka ee Somaliland Faisal Ali Warabe ,iyo laba gabdhood oo 16 sano jir ah kuwaa oo kabaxsaday gurigooda oo kuyaala magaalada Manchester ee dalka Britain si ay ugu biraan kooxda ISIS.

Lama garan karo jawaabta ay Dalka Canada ka bixin doonto nolosha Wiilkan somaliga ah ee ay hore u sheegtay inuu dhintay, waxase hubaal ah inay jiraan Kumanaan Ajaanib ah oo sida daadka ugu soo qulqulaya kooxda Is, si ay uga dhinac dagaallamaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed