Wiil dhawaan laga la laabtay dhalashada Britain oo la tuhmayo in uu gacanta ugu jiro Sirdoonka Maraykanka
London Dec 21 2012 (SDN)— Qoyska wiil dhawaantan laga laabtay Jinsiyada dalka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegeen in wiilkooda uu si qorsoodi ah gacanta ugu jiro hada Sirdoonka Maraykanka oo ka qabatay Nawaaqiga Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Abaaha dhalay wiilkan oo lagu Magacaabo Mahdi Xaashi ayaa u sheegay Wargeyska fadhigiisu yahay London ee thebureauinvestigates oo xogaha sirta ah baara in wiilkiisa uu rumeysan ayahay in ay si sir ah gacanta ugu hayaan ciidama sirdonka Maraykanka.
Mahdi Maxamed Xaasi oo 23-sano jir ah ayaa bishii June lagu wargaliyay in laga laabtay Muwaadinimdii dalka Britain sababo lagu sheegay in uu qatargalin rabay Amaanka qaranka, waxaana isbuucyo kaddib lawaayay isaga oo ku suganaa duleedka Magaalada Muqdisho.
Qoyskiisa ayaa sheegay in ay ka heleen xogta la xiriirtay in ay Maraykanku gacanta ku dhigeen nin dhawaan laga la soo daayay xabsi kuyaala dalka Jabuuti.
“Waxaan u walacsanahay xaaladiisa caafimaad, halka uu kusugan yahay waxaana rabnaa in aa markale aragno, waxaan sidoo kale ka walaacsanahay sida loo la dhaqmayo isaga.” Sidaasi waxaa thebureauinvestigates u sheegay Maxamed Xaashi oo ah aabaha dhalay wiilkan.
Mahdi Maxamed Xaashi ayaa ku dhashay dalkan Soomaaliya waxaan Ingiriiska lageeyay isagoo aad u yar waxana uu ku koray intiisa badan Camden oo ku taala Waqooyiga London.
SDN-London