|

Wiil 16-Jir ah Oo Caafimaad-darro ugu Dhex Dhintay Xabsi Muqdisho ku Yaalla

Muqdisho:July,30,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay ku geeriyooday Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho Wiil 16-jir ah oo lagu magacaabi jirey, kaas oo xaaladdiisa caafimaad maalmahan kasii daraysay.

xarHooyada Wiilkan yar dhashay oo lagu magacaabo Sacdiya Maxamed oo warbaahinta la Hadashay, ayaa xaqiijisay in wiilkeedu uu ku geeriyooday Xabsiga magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ay sheegtay Wilkeeda Maxamed Ibraahin Muuse uu Nabarro uga soo baxay Afka iyo dhuunta islamarkaana loo diiday in daaweysato iyadoona intaa ku dartay in Maxamed Ibraahin Muuse uu ugu dhintay Xabsiga dhexe Xaalad Caafimaad darri.

Hooyo Sacdiya oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in Wiilkeedii ku geeriyooday Xabsiga Dhexe lagu xukumay ku dhawaad 5 Sano waxaana carrabka ay ku dhufatay in Wiilkeeda uu ku xidhnaa si Sharci darro ah.

Si kastaba, hadalka Maamadan dhashay Wiilkan ku dhintay gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu imanayaa Xili Maxaabiista Xabsigaasi ay tiro ka dhowr jeer u geeriyoodeen Xaalad Caafimaad darri.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com,

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed