|

Wiil 12 Jir Ah Oo Ku Nafwaayey Bada Tuulada Ido Cadays Ee Degmada Lughaya.

14,march 2014(SDN)-Wiil yar ayaa ku naf waayay  xaaxiga bada kacsan ee tuulada Ido Cadays ee xeebta degmada Lughaya ee gobolka Awdal.

Geeridan naxdinta leh ayaa laga war helay kadib markii ay koox arday wax kabarata dugsi halkaasi kuyaala  oo uu marxuunkan yari ka mid ahaa ay   maanta oo Jimce ah ay  udabaal tegeen badaasi.
Wararka aanu ka healayno masuuliyiinta golaha deegaanka iyo bilayska degmada Lughaya ayaa sheegaya in ay laba arday oo kalena ku hafadeen biyaha bada waxaana soo gaadhay dhibaato caafimaad oo daran , waxana hada lagu daawaynayaa dhaqtarka  degmadaasi .
Marxuunka geeriyooday  ayaa  la odhan jiray, Sadiiq Adan Geele Sheer , oo 14 jir ah waxaana sidaasi waxaana Warbaahinta   u xaqiijiyay Pro Aadan DiriyeDixood oo hada ku sugan degmada Lughaya.
Sikastaba ha ahaatee waxa aalaaba wakhtiyada isbedelka xiliyada gooreedka Guga Iyo Jiilaalka ka yimaada   Bada Cas ee ay ku taalo degmada Lughaya, Shilal gaysta dhimasho , mana jiraan inta badan siyaasad xukuumadeed oo ku wajahan badbaadada dadka ee  xeebta haday noqoto heer degmo iyo heer dawladeed .

Borama,SDN.

Comments are closed