Weriyeyaashii la Xukumay oo u Mahadceliyay Garsoorihii Xukunkooda ku Dhawaaqay {DHAGAYSO}
Hargaysa 18.Feb 2014 (SDN)- Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa maanta xukun ku riday sadex weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee somaliland.
Ka dib markii uu xukunkaasi dhacay ayaa saxafiyiintani waxay ka hadleen xukunka ku dhacay iyaga oo mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii gacanta ku hayey dacwadooda oo ay sheegeen inuu si cadaalad ah ka yeelay dacwadaasi.
Ugu horayn Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka dib markii uu xukunku ku dhacay ka hadlay sida uu u arko xukunkaas ayaa mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii dacwadooda gacanta ku hayey waxaanu baaq u diray madaxweynaha Somaliland
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Weriyeyaasha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/AfartaWeriye.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com