Weriye Siciid Ismaaciil Xuseen (Gurraase) oo Caan ku ahaa Faaqidaada iyo Falanqaynta Warar Dibada oo Shalay lagu Aasay Magaalada Hargaysa iyo Taariikh Nololeedkiisa
Hargaysa 12.Jan 2014 (SDN)- Alle naxariistii Janno ha ka waraabiyee waxa shalay galab si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha duleedka waqooyi ee caasimada Hargeysa marxuum Siciid Ismaaciil Guraase oo ka tirsanaa muddo dheer bahda warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland.
Marxuum Siciid Guraase oo todobaadkii hore xanuun si kadis ah ugu soo booday loogu qaaday Addis-Ababa ee dalka Ethiopia ayaa intii aan la gaadhsiin dhexda ku geeriyooday, waxaana Marxuumka shalay lagu Aasay Hargeysa oo Aaskaasi ay ka soo qaybgaleen hawlwadeeno farabadan oo ka tirsan bahda warbaahinta Somaliland, xildhibaano, masuuliyiin ka mid ah xukuumada, madaxdhaqameedyo iyo asxaab farabadan.
Marxuumka oo muddo dheer ka hawlgalayay saxaafada madaxbanaan ee Hargeya ayaa ka soo shaqeeyay badai wargeysyada dalka oo ay ka mid yihiin wargeyska Jamhuuriya, Haatuf, Maalmaha, Hargeysa Star, Xogogaal, isla markaana uu ku soo shaqeeyey Tifaftire isagoo ahaana wariye iyo qoraa isagoo dhawr luqadood oo ay ka mid yihiin Ingiriisida iyo Carabiga, kuna turjimi jiray wararka oo uu u badali jiray Af-Somali.
Marxuumka Ilaahay naxariistii Jano fardawsa ha ka waraabiyee waxa uu ahaa shakhsi wanaagsan oo ehlu cibaado ah, dad la dhaqan wanaagsan leh ayaa wakhtigan xaadirka ah intaan geeridu u iman ka hawlgalayay wargeyska Himilo ee madaxbanaan ee ka soo baxa Hargeysa ayaa bahda warbaahinta madaxbanaan ku suntanaa oo ahaa tifaftire weyn, wariye iyo qoraa ku caan baxay qisooyinka xambaarsan dhacdooyinka dunida iyo sheekooyinka xiisaha leh ee hogaamiyayaal iyo shakhsiyaadka sheekooyinkooda la xiiseeyo oo dunida soo maray uu ka qori jiray.
Alle ha u naxariistee waxa uu Marxuumku ifka kaga tagay, Xaas iyo shan caruur ah oo uu dhalay oo kala ah saddex hablood iyo laba wiil.
Haddaba, Marxuumka oo lahaa taariikh ballaadhan, waxaan halkan si kooban ugu tilmaamayaa xog ku saabsan waqtigii uu warbaahinta ku soo biiray iyo heerarkii uu la soo maray; “Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Ismaaciil Xuseen (Gurraase) waxa uu sannadkii 1994-kii ahaa wakiilka dalka Jabuuti ee Wargeyskii Codka Hargeysa.
Badhtamihii isla sannadkii 1994-kii waxa uu weriye u noqday wargeyskii Dhambaal ee Hargeysa ka soo bixi jiray waqtigaasi. Sannadkii 1995-kii markii la aasaassay in hab casri ah loo soo saaro Wargeyska Jamhuuriya sannad kadib (1995) waxa uu Marxuumku noqday wariyaha Jamhuuriya ee Jabuuti.
Marxuumku Alle ha u naxariistee wixii ka dambeeyey shirkii Carta waxa uu u soo wareegay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo ka mid noqday muddo dheer hawlwadeennada wargeyska Jamhuuriya. Markii dambena waxa uu ka soo shaqeeyey wargeysyada Haatuf, Maalmaha, Waaheen, Xogogaal iyo Himilo oo uu hadda tifaftire guud ka ahaa intaanu geeriyoon.
Marxuum Gurraase waxa uu caan ku ahaa falanqaynta iyo faaqidaada wararka gudaha iyo dibadda, si gaar ahna waxa uu wax uga qori jiray daraasado dahsoon oo la xidhiidha siyaasadaha Geeska Afrika iyo bariga Dhexe. Alle ha u naxariistee marxuumku waxa uu ahaa shaqsi afgaaban oo hawlkar waxqabadkiisu muuqdo ah.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun, waxaan Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelka, qoyska iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”
Bah’da Shabakada Somalidiasporanews.com ama Qurbejoog.com Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u Dirayaan Qoyskii Qaraabadii iyo Saxaafada Somaliland ee uu Ka Baxay Guule ha u Naxariistee Marxuum Siciid Ismaaciil Xuseen (Gurraase).
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com