Weriye ka tirsan Wargeyska YOOL la sii daayay iyo Tifatirihiisii oo Xukuumaddu ay xabsiga kula hadhay
Hargeysa, 19, May 2012 (SDN)- Wariye Khadar Axmed Xasan oo ilaa Salaasadii ku xidhnaa Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa ayaa maanta la siidaayay ka dib wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo amarka lagu xidhay bixiyay uu amray in kaligii la siidaayo.
Wariyahan la siidayay oo ka tirsan hawl-wadeenada Wargeyska Madaxa-banaan ee YOOL oo wali tifaftirihiisii xidhan yahay ayaan ilaa hadda la garanayn sababta uu wasiir Duur kaligii u sii daayay isla-markaana Wariyaha kale ula hadhay.
Wariye Maxamed Cabdi Curad ayaa isagu wali ku jira gacanta ciidamada booliska, waxaanu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa, iyadda oo waxa lagu xidhay uu yahay Sawir uu ka qaaday Wasiirro Duur ku jiro oo wakhtigaa ku sugnaa goobtii ay isku hujuumeen ciidamada qaranka iyo kooxdii muranka dhul ka dagaalantay Salaasadii hore.
SDN, Hargeisa