Weriye ka Tirsan Idaacada Radio Hargaysa oo ay Jidh dil u Gaysteen Ciidamada RRU
Hargaysa 29.Aug 2013 (SDN)- Wariye Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar oo ka tirsan Wariyeyaasha Idaacadda Dawladda Somaliland ee Radio Hargeysa ayaa maanta Ciidamada RRU-da ee ka hortaga Rabshaduhu jid dil u gaysteen.
Wariyaha oo sida uu sheegay Warbaahinta marayay Wadada Hor marta Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegay in Ciidankaasi si Arxan daro iyo gardaro ah ula dhaqmeen. Wariyaha oo faahfaahin ka bixinaya falkaasi ayaa sheegay in marka hore gaadhi Ay wateen Jiidhi gaadhay islamarkaana Maraayad Haada iyo turuska ku dhuftay ka dibna ay dafireen.
“Anigoo ku jira Hawl maalmeedkayga oo Barnaamij Xogogaal la yidhaahdo Hawshiisa ku jira ayay Gaadhi ay wateen Nimankaas RRU-da la yidhaahdaa Dhinaca igu dhuftay oo aan meel xagaas ah u tukhaantukhay. Markaa Nimankii ismay taagin ee Wayba isii caayeen, goordambe ayay Hotelka Imperial hor istaageen halkaas ayaan ana ugu tagay oo aan idhi waar maxaad ii jiidheen, Waliba darawalka ayaan la hadlay oo igu yidhi kumaan jiidhine xageed igu Aragtay. Anagoo Ninkii wadda Hadlayna ayaa mid Askariya oo ag fadhiyay Kaladhka I qabtay oo I tuuray, ka dibna 7 Askari ayaa gaadhigii ka daatay, markaan is idhi ka cararna Qoryihii ayay ii cabaysteen oo markaan is-idhi lafahaaga ayay kuu dili ayaan iska istaagay. Way I qabteen oo Gaadhigii ayay igu tureen, markaas ayay Dhirbaaxo Candhuuf iyo wax walba ila dhaceen, Gaadhigii markay xogaa igu sideen ee aan idhi Ma dirayskaad iigu hanjabaysaan mid ka midana aan garay ayay yidhaahdeen intay I caayeen naga dag markaas ayaan iskaga tagay’ ayuu yidhi Wariye Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dacar.
Wariyaha ayaa sheegay inaanay wax Nabaro muuqdaa ku Ool hase ahaatee Jugo badan ay gaadhsiiyeen Ciidanku, isagoo sheegay in Feedhaha oo uu u malaynayo in Qori dabadiisu wax yeeshay hadda ugu darantahay. Waxa uu sheegay inaanu wax Aqoon ah u lahayn Askartaasi marka laga reebo Mid uu waji garanayay islamarkaana aanu garanayn sababta ay u maageen Ciidankaasi RR- da ka tirsani.
Waxa uu u Aaneeyay falkaasi tacadiyada laga tirsado Ciidanka Booliska, iyadoo dhawaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland-na warbaahinta ka sheegay in Dulqaadku ka soo dhamaaday Xukumadda ka dib markii uu ka Andacooday in Askari iyo wariye isku dhaceen Goob madaxwayne silaanyo ku sugnaa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com