WERIYAHA KALA KORAY EE MUNIIR LAGU MAGACAABO
Waxaa la yaab iyo u qaadan waa igu noqotay markaan arkay maqaal uu ka horay weriye, weriye kale oo ay weliba dad isugu dhawaayeen kana wada tirsanaayeen Tv ga qaranka kaasi oo ah Muniir Axmed Cige iyo weriyaha uu maqaalka ka sameeyey oo ah Maazim Axmed Cawaale oo dalka uga baxay fursad waxbarasho oo uu dalka Turkiga ka helay.
Hadaba aan xoogaa bal yar is dultaaqo maqaalkaasi ka aradnaa milgaha saxaafada iyo qoraalkaba runtii markaan akhriyey waxa aan aad uga xumaaday sida qaawan ee bilaa hubsiimada ah ee uu muniir u weeraray weriye saaxiib kii ah iyo weliba wasiir xukuumada ka tirsan oo uu muniir hilmaamay marka uu wasiir dhaliilaya in uu xukuumadiisana dhaliilay balse isagu uu u haysto in uu ku ciil baxay uun wixii ka dhexeeyey labadooda oo uu u helay wax uu ugu so gabado.
Runtu waxay tahay markaad qof wax ka sheegayso inaad dabagal iyo hubin badan aad samayso balse aanad qorin uun waxa la yidhi taasi waxa ay markhaati kaaga tahay in aanad ka war haynba wasaaraddaadi aad ka tirsanayd iyo socdaalka weriyahan aad iska dhilatay adigoon ka war hayn cida dirtay, waxa uu u baxay iyo wadada uu ka wareegay toona.
Hadaba aan adiga ku soo noqdo saaxiib Muniiro runtii anigu waxa aan ahay shaqsi aad kugu dhaw waxaanan ahay dadkan aad magacooda isticmaasho habeen iyo maalin balse waxa aan ku sheegayaa inaad sharaf dhac iyo karaamo daro inoo soo jiidayso in kasta oo aanay maanat jirinba meel laga noqdaa marka laguu eego halkaad maraysaa balse dadka waxa aan u sheegayaa inad tahay qof aan is lahayn oo kala koray caqli ahaan iyo muuqaal ahaan taasina waxa aan kugu cadayn karaa markii aad magacaaga bedeshay lana baxday muniir adiga oo lumiyey magacii hooyadaa iyo aabahaa kugu walqaleen kuna bixiyeen ee ahaa maxamed oo ah magac qof muslin ah loo bixiyo ka ugu qaalisan ku darso dadku ma oga in aabahaa laaga xanaaqay bedelaada magacaaga kaagana dhaartay.
Mid kalena aan kugu daro waxa aad tahay abaal laawe waxa aad lumisay kalsoonidii inaadeertaa ama xaaskii aad guursatay ee ku soo gardaaadisay eek u keentay golaha ragu ku gartamo adiga oo ogaa shaqadii aad haysay iyo halkay kaa qaaday balse aad ku loo fartay markii aad yurub cagaha dhigtay.
Ogsoonow inaad ceebo iyo colaado ku abuurtay dad badan oo isu han waynaa walaaltinimo iyo galgacayl dadnimona ka dhexeeyey.
Ogsoonow inaad ceebo iyo colaado ku abuurtay dad badan oo isu han waynaa walaaltinimo iyo galgacayl dadnimona ka dhexeeyey.
Waxa kale oon ogahay inaad dadka ugu sheekayso waxa aan ka ag dhawahay madaxda dalka kolba qofna aad isla soo sawirto adiga oo sameeya weji ku macaash warkana ka soo qaada madaxtooyada hablaha iyo meheradahana kagaa sheekeeya wixii aad ka soo ururisay madaxdii iyo madaxtooyadii aad ku gashay jidhka iyo qolofta masuulinimo balse aanad u qalmin.
Waxa kale oo aan u sheegayaa cidii maqaalkan akhriyeysa inaad tahay qof aan ku haboonayn in uu ka shaqeeyo meelo xaas xaasi ah balse aad tahay qof dadku aanay dhaadanayn ficilada ku duugan adiga oon cidna u tudhayn cidna ka xishoonayn ayaad maqaalo qortaa markaasad cidii doonto ku caydaa marka lagu yidhaa maxaad sidaasi u samaysayna waxa aad tidhaahdaa waxa geliyey mid yar oo ila shaqeeya oo reer hebel ah adiga ooh ore u sameeyey maqaal aad wasiir xirsi ka qortay markii aad ka baqatay rag telephone kaala soo hadlay tidhina hadaan sheegayaa ee wax yar ka dib bal eega waxa aan soo geliyo ka dibna aad xirsi ku eedaysay inuu kugu amray inaad ina geele caydo taasi oo baqdini kaa yeedhsiisay markii lagu waydiiyeyna aad tidhi ku yar ayaa geliyey waanan ka saaray hadaba anigu waxba kugu sii dheeraan mayo balse wixii aad galabsato aniga waxba hayga siin saaxiib qarankana ku dhaawici maysid qalin aanad dhaadanayn waxyeeladiisa ee facebook gaagi iskaga noqo oo caruurtaada kolba wan kuu xiisay iyo maalintaasi macaanaydaa ku mashquul saaxiib.
Qalinkii: Amiin Khadar
Allaa Mahadle