|

“Weligay Xisbiga Kulmiye Ma Galayo Waa Xisbi Beelaysan Isaga Iyo Dawladiisuba ” Siyaasiga Maanta La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 21.April 2015 (SDN/QJ)- Siyaasada Doogsin Cararku Waa Mid astaan u noqotay Siyaasiyiin badan oo u dhashay Somaliland Waxay isaga dab qaadeen Xisbiyada dalka ka Jira iyo kuwii baa’bay dhamaantood,In la soo bandhigo Waxay Muujin kartaa Ugu Yaraan Shakhsiyada Qofka.

Warfidiyeenku hawl buu qabtaa aan ahayn in uu siyaasi noqdo. Qoraagu hawl buu hayaa aan ahayn in uu siyaasi noqdo. Macallinku hawl buu hayaa aan ahayn in uu siyaasi noqdo. Wadaadku hawl buu hayaa aan ahayn in uu siyaasi noqdo. Haddana dadkaas oo dhan hawshooda waxaa ka mid ah in ay eegaan oo sheegaan sida ay siyaasadda dalkoodu tahay. Siyaasiga ayaa haya hawlaha dawladda iyo fulinteeda, isaga ayayna dadkaas oo dhami eegayaan, ilaalinayaan, la xisaabtamayaan, oo guushiisa iyo guuldarradiisaba faallaynayaan.

Kani Waa La taliyaha dhinaca Hay’adaha ee Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu C.fataax Siciid wuxuu nidar hore ugu maray inaanu galayn Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo uu Maanta ka Yahay Xubin Golaha Dhexe ah Xukuumadana ka hayo La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha

 

Comments are closed