Wejixumada Mohamed Said Atom Uu Ku Sheegay Alshabaab: Waa Mid Dhabankiisa Ka Muuqata
Waxaa taariikhdu xusi doontaa , lana iswaydiin doonaa Alshabaab oo ah ciidan aad u tiro iyo tayo yar sida ay cabsiingelinta laga yaabay ay ugu sameeyeen dadwaynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay deegaanadooda ka talin jireen ama ay ilaa hada ka taliyaan? Waxaa sidoo kale iswaydiin mudan siday ku awoodeen in ay ka hortigaan cidan lexaad leh, oo ka kala socdo wadamo dhowr ah, oo aad u xoogan?
Inkasta, sida la sheegay, markii hore ka helayeen hubka wadanka Eritria, hadana dadka inta badan ayaa qaba in ururkaan xaqdarada ah uu ku bilowday fikirka ama mashruucii Maxkamadaha, kaas oo ku salaysanaa nadhaam qabiileed inkasta oo ay ka hor imaadeen fikradahii dagaal ogaayaashii ka talin jiray magaalada Xamar iyo agagaarkeeda.
Waxaase halkaa nooga baxay in Alshabaab waxa cabsigelinta ay ku hanteen ay aheed awooda ku salaysan qabiilo is bahaysatay, laakiinse dadka inta badan aysan markii hore fahmin madaama loogu sheekeeyey in uu ururku yahay urur Islaami ah.
Arimaha kale ee taas daliisha u ahna waxaa ka mida ninkan la yiraahdo Atom oo hada iska dhiibay Koonfurta Soomaaliya, iyada oo la filaayey in uu weli joogo buuralayda Gobolka Bari, sida uu uga helay nabad gelyo uu ugu noolaado deegaan aad uga fog deegaanka ay degan yihiin dadkii dad ugu xigay.
Hadii aan u soo noqdo arimaha foolxumada ah ee uu Atom ka hadlay, waa mid la fahmi karo, madaama ay ka muuqato ama laga daalacan karo wejigiisa diifta saaran. Sidoo kale, mashaa’iikhdii aan naqaanay waxay ahaayeen kuwa dadka u horseeda wanaaga, laakiin maanta waxaan haynaa Sheikh ku andacoonaaya “waa la marin habaabiyey”.
Mida kale, ma ka toobad keenay, isaga iyo dadkii uu fidnada ku abuuray, dadkii ay galaafteen? Sidoo, cafis ma ka dalbaday dadkii uu beenta ka gaday, oo ilaa hada laga yaabo in ay meelahaas haadka la hoydaan?
Alshabaab iyo inta ay marin habaabiyeen waxaa InshaaALLAH u taala su’aal qiyaame, laakiinse waxay ku qumanaan lahayd in aduunkana ay istaagaan maxkamadaha sharciga si ay su’aalaahaas uga jawaabaan.
Waxaa kusoo aruuriey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” qoraa madaxbanaan ah, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com