Wejigii Sadexaad ee Wada hadalka Mucaaridka Iyo Muxaafidka oo Natiijo la’aan Mar kale ku dhamaaday iyo Mawqifyada Sadexda Xisbi,Aragtida la isla qaatay DAAWO
Hargaysa 26.May 2015 (SDN/QJ)- Wejigii saddexaad ee u socday Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaridka, ayaaCaawa natiijo la’aan ku dhamaaday, waxaanay mucaaradka ayaa saxaafadda u sheegay in wada xaajoodku burburay, iyagoo baaq u diray beesha Caalamka, kana dalbaday in la soo kala dhex galo Xukumadda.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo kulanka ka soo baxay ayaa bulshada Caalamka iyo Shacbiga Somaliland ugu baaqay in la soo kala dhex galo Xukumadda iyo Mucaaradka kadib markii la isku mari waayay wada hadaladii u socday ee foolka foolka ahaa.
Gogosha wada hadalka oo Xukumaddu fidisay ayaa labadii cisho ee hore ka qabsoomay Hotelka Ambassador, hase ahaatee kulankan ayay Xukumaddu u soo leexisay hotelka Maansoor, balse bacda qadadii ayaa Xubnaha wada hadalka ugu jira Mucaaradka iyo Xukumaddu u kaceen Guriga Madaxweyne xigeenka halkaasi oo galinkii dammbe oo dhan wada hadalku uga socday. Sababta loo tagay Guriga Madaxweyne xigeenka ayaa loo aanaynayaa in dhinaca xukumaddu ka madax gadayso ama ka gabanayso Saxaafadda oo Maansoor u tagtay soo tabinta warka.
Mucaaradka iyo Xukumadda ayaa isku mari waayay wakhtiga 22 bilood ah ee loo kordhiyay Xukumadda Siilaanyo iyo golaha wakiilada, iyadoo Xukumaddu ku adkaysanayso inuu yahay go’aan sharci ah oo guurtidu gaadhay, halka Mucaaradku ku dhagan yahay muddada halka sanno ah ee Komishanku hore u soo jeediyay.
Dhanka Kale Xogo ay Qurbejoog.com ka heshay goobta shirku ka socday ayaa sheegaya in Xubnihii ka socday Xukuumada iyo Xisbul Xaakimka oo mab’da ahaan la qaatay Xisbiyada Mucaaridka in Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada la qabto 2016 isla markaasna laga soo noqdo go’aankii Golaha Guurtida ee muranka xoogan dhaliyay, waxaase la isku diiday shaacinta go’aankaas, taas oo madaxweyne ku xigeenku dalbaday in wakhti la siiyo si uu ula soo kulmo xubnihii kale ee Xukuumada iyo Golaha,Guurtida.
Marka ay sidaas tahay, waxay muujinaysaa inaan Madaxweyne ku xigeenku wax kalsooni ah ka haysan cida uu matalaayo walow uu dalaal fiican wado.
Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Tilmaamaay Mawqifka Xisbigooda ee Wada hadaladan .
Sidoo kale Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga Ucid C.rashiid Xasan Mataan ayaa iftiimiyay arrimaha la isku mari la’a yahay iyo sida ay Xisbi ahaan u arkaan Wada xaajoodka.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa gebi ahaanba sheegay inuu burburay Wada hadalku isagoo fariina u diray Beesha Caalamka.