Hargeysa: Wejiga labaad ee Dhageysiga Dacwada Boqor Buur-Madow oo la bilaabay
Hargeysa 21, June 2012 (SDN)- Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa shalay markii labaad gudda gashay dhageysiga dacwada xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku oogayso boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow), kaasi oo in muddo ah ku xidhan Jeelka dhexe ee Hargeysa. Wejiga labaad ee dhageysiga dacwada Buur-madow oo ah mid xaasaasi ah ayaan loo ogolayn in saxaafadu ka qayb-gasho dhageysigeeda, inkasta oo ay ka qayb-galeen shakhsiyaad door ah oo ay ku jiraan Madax-dhaqameed.
Wejiga Labaad ee dhageysiga Dacwadan ayaa xeer ilaalinta qaranku ku soo bandhigtay dacwada loo haysto boqorka, taasi oo ah inuu xukuumadda eedaymo u mariyey warbaahinta, eedaymahaasina ay yihiin kiiska loo haysto boqor Cismaan Aw Muxumed Buur-madow.
Dacwadan oo uu ka garnaqayo Garsoore Cismaan Fanax oo si gaar ah loogu xil-saaray inuu ka gun-gaadho ayaa waxa la sheegay in xeer ilaalintu Maxkamada ka sheegtay inay sabtida todobaadka dambe eedooda soo gabangabeyn doonaan, iyadda oo markaa ka dib maxkamadu bilaabi doonto dhageysiga waxa uu isku difaacayo Boqor Cismaan Buur-madow, iyadda oo xeer ilaalintu dacwadooda ku salaynayso wixii boqorku warbaahinta u mariyey xukuumadda intii uu dalka dibadiisa ku maqnaa.Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa shalay markii dacwadu ka bilaabantay amaankeeda aad loo adkeeyay, iyadda oo daafaha maxkamada la dhoobay ciidamo faro badan oo boolis ah, kuwaasi oo loogu tallo-galay inay ka hor-tagaan rabashado ay sameeyaan dadka taageersan boqorka ee dacwadan ka soo horjeeda.Dacwadan ayaa waxa hore iskaga casilay gar-yaqaanadii u doodayey Boqor Cismaan Aw Muxumed Buur-madow, kuwaasi oo sheegay in kiiskan xukuumaddu faro-galin ku hayso.
Waaheen