Wejiga afraad ee wada-hadalka xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland
Hargeysa (QJ)- Wejiga afraad ee wada hadalada u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda Kulmiye oo dhan ah iyo mucaaradka oo dhan ah ayaa saaka ka furmay Ambassador Hotel oo ku yaala koonfurta magaalada Hargeysa, iyadoo shalay lagu heshiiyay in wada hadalada qaybta danbe aan lagu qaban Madaxtooyada.
Arinta ugu culus ee miiska taala saaka ayaa ah doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada oo ah labada doorasho ee la isku hayo, gaar ahaan doorashada ururada goorta ay dhacayso oo khilaaf wayni ka taagan yahay.
Qurbejoog oo la hadlay dhinacyada wada hadlaya wuxuu ogaaday in rejo xun ay weli qabaan mucaaradka Somaliland iyadoo rejo xumadoodu ay salka ku hayso aragtiyaha madaxweynaha iyo hab dhaqankiisa oo aan weli is bedelin. Xogaha kale aanu helayno waxay tilmaamayaan in xukuumaddu gaar ahaan madaxweynuhu uu rabo wakhtiga oo durka balse aanu rabin heshiis uu la galo labada xisbi mucaarad oo si wayn ay isku hayaan laba shakhsi oo uu ka dhex arko (Xirsi Cali X. Xasan iyo Faysal Cali Xuseen).
Maalinta Axadda ayaa go’aan laga gaadhayaa wada hadalada iyadoo ergadu go’aano dhex ah soo saari doonta kadib marka ay qiimeeyaan doodihii labada dhinac eeĀ mudadii uu wada hadalku socday.
Wararka kasoo kordha kala soco Qurbejoog.