|

Weftigii Wasiirada ee Ceerigaabo ku Sugnaa oo Shaaciyay inay soo afjareen Muran ka Taagnaa Magaaladaas,isla markaana soo indho indheeyay Goobta ay ka socoto wadada Ceerigabo iyo Burco {DAAWO}

Ceerigaabo 12.October 2013 (SDN)- Weftigii Wasiirrada ee socdaalka shaqo ku joogay  Gobolka Sanaag ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan hawlaha ay Qiimaynta ka wadaan Khubarada ku hawlan dhismaha wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, kaasi oo ka bilaabmay duleedka magaaladda Ceerigaabo.

Weftigu waxay sheegeen in Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ay ka go’an tahay sidii loo hirgalin lahaa dhismaha wadada Ceerigaabo ilaa Burco waxaa kale oo ay xuseen inay soo afjareen khilaaf Mudooyinkii u danbeeyay ka aloosnaa magaalada Ceerigaabo .

Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed