|

Weftigii ugu Miisaanka Cuslaa oo Afar Wasiir ah kana Socday Itoobiya oo Hargaysa Yimid & Ujeedada Socdaalkooda DAAWO

wasiirada sl iyo itoobiyaHargaysa 12.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wefti balaadhan oo ka Kooban Wasiiro,iyo Madax sare  oo ka Socda Dawlada Itoobiya ayaa Galabta Booqasho ku Yimid Caasimada dalka ee Hargaysa .

Weftigan Waxaa ku soo dhaweeyay Madaarka Cigaal Xubno wasiiro oo ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha dibada, Madaxtooyada, Maaliyada, Duulista iyo Hawada,Ganacsiga,Qunsulka Safaarada Itoobiya ee Caasimada hargaysa.

Weftigan Waxaa hogaaminaya Wasiirka Maaliyada ee dawlada Itoobiya Sufyaan Axmed,Waxaana Xubno ka ah Wasiirada Gaadiidka Cirka, Wasiirul dawlaha arrimaha dibada ee Itoobiya,Agaasimayaal iyo Saraakiil kale .

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Weftigan ay Xukuumada Somaliland ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin adeegsiga Dekeda berbera, Adeegsiga Laydhka iyo samaynta jidka Tareenka oo Mustaqbalka isku xidhaya labada dal.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed