Weftigii ugu Balaadhnaa ee Xukuumada Somaliland ka Socda oo Gaadhay Degmada Taleex
Taleex 24.June 2014 (SDN/QJ)- Wefti balaadhan oo ka socda Dawladda Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada Taleex ee Gobolka Sool halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Weftigan ayaa ka kooban Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Md Cali Maxamed warancadde, Wasiirka wasaaradda Kheyraadka biyaha Md Xuseen Axmed Cabdallah, wasiirka wasaaradda Ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska Md cali Siciid Raygal, wasiirul-dawlaha horumarinta iyo nabadaynta gobolada Bari Md cali sandulle, wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md cabdiwaaxid cabdiqaadir C/raxmaan, xildhibaano ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo labada taliye ciidan ee Booliska iyo Asluubta ee JSL
Boqolaal dadweyne ah oo ku lebbisan calanka JSL ayaa weftiga ku soo dhoweeyey magaalada taleex, kulan hordhac ah oo ay weftigu la yeesheen dadweynaha deegaankaasi ayaa waxaa ka hadlay Caaqil C/rashiid Cali Shire oo ka mid ah Cuqaasha degmadaasi waxana uu ku bogaadiyey weftiga Booqashadooda degmada taleex
Dhankiisana wasiirka wasaaradda madaxtooyada Md Xirsi cali xaaji xasan oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay in ay degmada taleex u yimaadeen sidii ay u gaadhsiin lahaayeen degmooyinka kale ee dalka waxqabad degdeg ahna ka samayn doonaan dhinacyada arimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha.
Taleex SDNQJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com