Weftigii Somaliland ee ku sugnaa Jabuuti oo Madaweynaha dalkaas la kulmay
Jabuuti, 04, June 2012 (SDN)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti Wasiirro iyo Xildhibaano iskugu jiray oo socdaal shaqo ku joogay afartii maalmood ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Ku xigeenku waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyadda Ganacsiga iyo Nabad-gelyadda.waxaanay isku waafaqeen qodobadii ay ka wada hadleen ee ku wajahnaa taabo-gelinta xidhiidhka labadda dal.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) oo ka mid ahaa weftigii Madaxweyne Ku xigeenka oo isagu shalay galabtii ku soo guryo-noqday dalka, kana soo degay madaarka Berbera, ayaa ka hadlay qodobadii ay labadda Hoggaamiye ku faaqideen kulankii weftigii madaxweyne Ku xigeenku ay qasriga madaxtooyadda Jabuuti kula yeesheen Madaxweynaha dalkaasi.
Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in madaxweyne Geelle uu aqbalay in baasaboorka Somaliland lagu tago dalka Jabuuti. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan xusi karaa arrimihii aanu Madaxweynaha Jabuuti kala hadlay ee uu ogolaanshaha naga siiyay in baasaboorka Somaliland si rasmi ah loogu tagi karo Jabuuti.iyadoo xafiiskii Somaliland ee Jabuuti furan yahay. Waxa la magacaabay ninka Jabuuti wakiilka uga noqonaya Hargeysa.”
“Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo Weftigiisii waxaanu shalay xafiiskiisa si rasmi ah ugu booqanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Markii aanu shirkaasi ka soo baxnay, ayuu Madaxweyne Ku xigeenku uu shir jaraa’id ku qabtay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti oo uu kaga waramayay waxyaabihii sadexdii maalmood noo qabsoomay. Waxaan xusi karnaa waxa weeye soo dhawayntii qiimaha lahayd iyo marti-qaadkii markii horeba nooga yimid Raysal Wasaare Dilayta Maxamed Dilayta soo dhawayntiisii isaga oo illaa lix Wasiir ay la socdaan. Sadexdii maalmood oo ay maanta(shalay) noogu dambaysay waxaanu intaba ka helaynay Qadooyin marti-qaad ah madaxda Jabuuti ee kala gedisan,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu. Waxaanu intaasi ku daray in booqashadaasi si wanaagsan ugu dhammaatay.
Wasiirka oo ka hadlayay xarumihii ay booqdeen weftiga madaxweyne Ku xigeenku wuxuu yidhi “Dekado door ah oo Jabuuti leedahay mid baa ka mid ah la yidhaahdo dekadda Kalluumaysiga waxa qodaysa shirkad reer Jasaa’ir ah (Al-Jeria) oo ciid qaadaysa si gunteedda loo dheereeyo. Iyadoo dawladda Jabuuti xoogaa soo fidisay wadada Saylac timaada dhismaheeda ama kabisaadeedda. Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in shirkaddan qodaysa dekadaasi ay Saylacna iman doonto si ay iyadana gunteeda u sii dheerayso.”
Md. Boobe oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka wada hadalnay sidii Ganacsatadda labadda dal ay labadaba u maal-gashan lahaayeen. Ka dib markii shirkadda Coca-cola la furay in la soo dhaweeyay maalgashiga shisheeye iyo ka dalalka Jabuuti oo kale ah ee aynu jaarka nahay.”
“Waxay muujinaysay booqashadani in xidhiidhka labada dal maalinba maalinta ka dambaysa uu sii xoogaysanayo,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.
Sidoo kale, weftiga Madaxweyne Ku xigeenku waxa ay xalay kulan balaadhan kula yeesheen magaaladda Jabuuti Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi oo ay uga xog-warameen xaaladda guud ee Somaliland gaar ahaan dhinacyadda siyaasadda, nabad-gelyadda, dhaqaalaha iyo adeegyadda bulshadda.
Weftigan Somaliland ee booqashada ku joogay jabuuti ayaa isla shalayba ku soo laabtay dalka.
SDN, Jabuuti