Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo ka ambo baxay Madaarka Cigaal International Airport,kana Hadlay Nuxurka Socdaalkooda & Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka baaqsaday sii Sagootinta Madaxweynaha.
Hargaysa Febr 5,2013 (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa galabta Socdaal ugu kicitimay Wadanka Ingiriiska,iyadoo Madaxweynaha iyo Weftigiisuna ay ka ambo baxeen Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxaa uu Sheegay in Socdaalka ay ku tagayaan Wadanka Ingiriiska ay u qorshaysan tahay sidii ay meesha uga saari lahaayeen wixii Mugdi ah ee Jira,isla markaana ay Kulan la yeelan doonaan Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ingiriiska Wilyam Heeg.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Xubin ka ah Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynuhu ayaa Jawaab ka bixiyay War ka soo baxay Safaarada Dawlada Maraykanku ku leedahay Magaalada Nayroobi oo u soo jeediyay Muwaadiniintooda ku sugan Gudaha Somaliland inay Taxadir ka Muujiyaan Nabadgalyadooda waxaa kale oo Wasiirku Sharaxaad ka bixiyay Socdaal uu ku tagay dalka Itoobiya iyo Kulamo uu la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlada Ingiriiska .
Wasiirka Waxaa uu Xusay in Hadalka Maraykanku aanu ahayn mid dareen Cusub ku beeraysa,isagoo Sheegay in Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ay Go’aansadeen inay Shaqadooda ku sii wataan Somaliland,Wasiirka Arrimaha Dibadu waxa uu Tilmaamay inay wada hadal ka gaadheen Dawlada Ingiriiska dhawaqii ka soo yeedhay ee Cabsida ay ka Muujiyeen Khataro soo food saara Muwaadiniintoooda Wasiirku Waxa uu Intaas ku daray in dawlada Ingiriisku ay bedeshay Fikirkeedii hore ee ay Shaacisay isla markaana laga dheehan karo Websit-ka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Uk.
Dr Maxamed C.laahi Cumar waxa uu cadeeyay inay heegan buuxda geliyeen Ciidamada Amaanka Somaliland isagoo intaas ku daray inay Kalsooni Buuxda ku Qabaan Xaalada Nabadgalyo ee Wadanka .
Madaxweynuhu waxa intii aanu dhoofin madaarka salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka.
Weftiga Madaxweyanaha waxaa kale oo Xubno ka ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,iyo Marwada Madaxweynaha Aamina Sh,Maxamed Jirde.
Geesta kale iyadoo ilaa Saaka uu Qasriga Madaxtooyada ka jiray Khilaaf u dhexeeya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo Saluug xoogan ka tirsanaya hab Maamulka Madaxweyne Siilaanyo isla markaana maanta Cadeeyay inuu Saxaafada la hadlayo ayaa waxaa markas kadib bilaabmay wada hadal iyo Iyo isu soo jiid ay labada hogaamiye ee talada qaranka wadaaga,waxaana dadaaladaas gadhwadeen ka ahaa Wasiirka Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale,Inkastoo Warar u dhaw dhaw Madaxtooyadu ay noo Sheegeen in Khilaafkii soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa xal loo helay hadana sagootintii Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa waxaa ka Muquurtay Madaxweyne ku Xigeenka Mudane Saylici,Taas oo loo arko in aan Xal rasmi ah laga gaadhin Tabashada Madaxweyne ku xigeenku ka qabo Madaxweyne Siilanyo.
Ma aha Markii u horaysay ee Mad Madow soo kala dhex galo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa.
Hargaysa SDN.