Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay, kana xog-waramay wada-hadalkii uu Sheekh Shariif kula yeeshay Dubai
Berbera 03, July 2012 (Qurbejoog.com)- Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhowaan wada-hadalo wejigii labaad ah Dubai kula yeeshay Madaxweynaha TFG, ayaa maanta ka soo degay Madaarka Berbera.
Madaxweynaha oo qolka martida ee Madaarka Berbera ugu waramay warbaahinta, waxa uu ka xog-waramay wada-hadalkii uu Sheekh Shariif kula yeeshay Dubai. “Waxa aniga iyo weftiga heer qaran ah ee ila socotaaba aanu marka hore aad u salaamaynaa ummadda reer Somaliland. Farxad weyn ayay noo tahay inaanu dalkii dib ugu soo laabano. Waxaanu tagnay oo ka qeyb galay shir beesha caalamku ay iskugu yeedheen Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo daba socday shirarkii laga soo amboqaaday dalka UK oo lagu baaqay in labada dal wadahadal yeeshaan, kulankanna kuwaas uun buu daba socday,” ayuu yidhi.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay isku afgarteen Madaxweyne Shariif, wuxuuna ku dooday in qadiyada Somaliland tahay mid lama taabtaan ah. “Waxaanu Madaxweynaha Somalia isku afgaranay oo ka wadahadalnay in wada-hadalada labada dhinac ay sii socdaan oo wixii maslaxad loo arko laga wada-hadlo. Anagu haddii aanu Somaliland nahay waxaanu mar walba ku adkaysanay, kuna adkaysanaynaa inaan waxba ka qabin wada hadalka walaalahayaga Soomaaliya wax wada qabsigeedda, Hase ahaatee gooni isu taaga Somaliland aanu ahayn marnaba wax gor-gortan geli kara oo madax-banaanideedu tahay lama taabtaan,” ayuu yidhi.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiirka Khaarajiga Mr. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo iyana halkaas ka hadlay, waxay difaaceen natiijada wada-hadalkaas labada Madaxweyne ku yeesheen Dubai.
Intaasi ka dib waxa Madaxweynaha la waydiiyay su’aalo dhawr ah, kuwaasoo iyaga iyo jawaabaha uu ka bixiyay u dhaceen sidan;
S: Madaxweyne, dalka Imaaraadka Carabta ee martigeliyay shirkii aad la yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya, waxa lagu tiriyaa inuu safka hore kaga jiro dalalka ka soo horjeeda qadiyada madax-banaanida Somaliland. Markaa ma ku qanacsan tihiin qaabkii ay shirka u qabteen, markale se kulamo ma kula yeelan doontaan Soomaaliya dalka Imaaraadka ama dal kale oo Carbeed?.
J: Dalkaasi anaga (Somaliland) iyo Soomaaliya ayay ina wada hadashiinayeen ee iyagu door kamay qaadanayn wada hadalka. cid kasta ha noqotee cidii iskugu kaaya yeedha. Wixii aanu u aragno madaxbanaanida Somaliland waa mid aanu ku adag nahay oo aanaan cidna u dabo fadhiisanayn.
Dunidda wixii ina dhex dhexaadinaya inaga iyo Soomaaliya ma iskugu keen yeedhaya cidna kuma gacan saydhayno.
S; Madaxweyne Kulankan aad la yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya muxuu ka tarayaa aqoonsigii aynu mudada dheer aynu doonaynay?.
J: Wuxuu shirkani ka tarayaa inay Somaliland, Sh. Shariif iyo cid kasta u caddayso mowqifkooda iyo gooni isu taagooda. Somaliland qaranimadooda way ku adag yihiin, inkasta oo aanay diidanayn in wax la qabsiga Soomaaliya iyo danaha badan ee ka dhaxeeya ee ay ka mid yihiin mucaawimada iyo Budhcad-badeedda.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo waxa xubno ka ahaa; guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE, UCID, guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada, Wasiirada Arrimaha Dibada, Gaashaandhiga, Madaxtooyada, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Maareeyaha Dekedda Berbera.
Qurbejoog.com, Berbera
editor@somalidiasporanews.com