Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo ay Casho Sharaf la Qaatay Ganacsato Waaweyn oo Maraykan ah
Washington DS 26.April (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminaayey oo weli ku guda jira safarkoodii ay ku jogeen dalka maraykanka ayaa waxa casho Sharaf ku qaabiley Ganacsato waa weyn oo danaynaaya in ay Somaliland maalgashi ku sameeyaan.
kulankaasi oo ay hogaaminayeen gudiga ganacsiga caalamiga ah ee heshiiyada ( Business Council For International Understanding ) loona so gaabiyo (BCIU), oo casho sharaftaasi madaxweynaha iyo weftigiisa ugu sameyey Hotelka weyn ee Willard Hotel oo madaxweynaha u soo bandhigay sida ay u danaynayaan in ay Somaliland ku yeeshaan gacan weyn oo wax ku ool ah lana xidhiidha maalgashi ay ku sameeyaan khayraadka dihin ee Somaliland ku kaydsan, ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey Willard Hotel .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu soo dhaweeyeen fikirka ay soo bandhigeen ee ah in ay Somaliland la sameeyaan xidhiidh ganacsi iyo mid maalgashiba.
madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay sida ay kulankan balaadhan ugu sameeyeen ee ay u danaynayaan in ay gacan ganacsi iyo mid maalgashiba ay ku yeeshaan dalka Somaliland, taasi oo madaxweynuhuna uu u sheegay in ay Somaliland tahay dal nabad iyo dimu-quraadiyad taami ka jirto una baahan in la maalgashado oo dadka Somaliland iyo caalamkuba ay ka faa’iidaystaan khayraadka Alle ku manaystay Somaliland.
Washington DS SDN.
Qurbejoog.com