Wefti Wasiirro u badan oo reer Jabuuti oo Somaliland yimi
Hargeysa, 21, May 2012 (SDN)- Wefti isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo madax kale oo reer Jabiuuti oo maanta dalka Somaliland yimi. kuwaasoo lagu soo marti-qaaday furitaanka warshadda weyn ee sharaabka Somaliland Beverage Industry (SBI) ee tuuladda Jaleelo ee waqooyiga Hargeysa oo
Wershadan SBI oo maalinta bari ah uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo xadhiga ka jari doono. Weftigan waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirradda Hawlaha Guud, Cadaaladda, Maaliyadda, Daakhiliga iyo Warfaafinta.
Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Jabuuti Cabdi Xuseen Cabdi oo ka hadlay madaarka Hargeysa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalkooda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay ka qeyb galayaan furitaanka wershadda weyn ee Cocola Somaliland Beverage Industry (SBI) oo maalinta bari si rasmi ah xadhiga looga jarayo.
Cabdi Xuseen wuxuu sheegay inay shacbiga Somaliland soo gaadhsiiyay dhambaal hambalyo ah oo uu uga siday Madaxweyne Geelle.
Wasiirku wuxuu sheegay inay marti-qaad ka heleen Ganacsadaha warshadan leh Axmed Cismaan Geelle oo labadda dal ee Somaliland iyo Jabuutiba ka hawl-gala.
Cabdi Xuseen wuxuu sheegay in socdaalkoodu qaadan doono muddo laba maalmood ah, waxaanu u mahad celiyay Wasiirradda tiradda badan ee soo dhaweeyay.
SDN, Hargeisa