|

Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo gaadhay Addis iyo ujeedada safarkooda

 

Addis Ababa, 05, June 2012 (SDN)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahu Ismaaciil (Saylici) oo ku sii jeeda Dalka Sweden ayaa shalay gaadhay Dalka Itoobiya xaruntiisa Addis Ababa, kadib markii uu muddo dhawr maalmood ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti.

 

Madaxweyne ku-xigeenka waxa safarkiisa ku wehelinaya afar xubnood oo kala ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, La taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur, Maayar ku-xigeenka Gabilay Khadra X Gaydh iyo Eng: Cismaan Sh Cabdi.

 

Weftigan ka baqoolay dhinaca Jabuuti ee ku sii jeeda Sweden ayaan ilaa hadda si rasmi ah looga hadal ujeedada socdaalkooda.

 

SDN, Addis Ababa

 

                                      


Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo gaadhay Addis iyo ujeedada safarkooda

Comments are closed