Wefti Sare oo Xukuumadda Somaliland ka socda oo Ceerigaabo gaadhay, Saluug laga Muujiyay isu dheeli tirkooda DAAWO
Ceerigaabo 16 July, 2015 (SDN/QJ)- Xilli muddooyinkii ugu danbeeyey ay jiraan khilaafaadyo beeleed oo sababay dilal iyo arrimo kale oo ka dhex aloosan qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo,ayaa waxa Shalay galab magaalada Ceerigaabo Soo gaadhey Wefti uu hor kacayey Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali (Cadami) oo ay weheliyeen Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac Iyo Xildhibaan Bulqaas oo isaguna ka tirsan golaha Wakiillada.
Wasiirradan ayaa kolkii lasoo dhowaynayey waxay sheegeen in ay u socdaan xallinta arrimo nabadgelyo oo gobolka ka jira “Gobolka Waxannu ugu soconney inaannu arrimo xagga nabadgelyada ah wax ka qabanno “. Sidaas waxa goobtii weftigan lagu soo dhowaynayey ka sheegay Wasiirka Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac.
Dhinaca kalena bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo qaarkeed ayaa saluug isu dheelli tirnaan ah waxay ka muujiyeen weftigan soo gaadhey Ceerigaabo waxana bulshada Sheegeen in Weftigani aanay dhamaystirnayn marka loo eego Xaalada taala oo ay hal dhinac Metelaan.
“Isuma dheelli yirna weftigani waxayna ahayd kolley haddii wasiirro lasoo dirayo in dhinac kastaaba ka muuqdo marse hadday kala dhiman yihiin kalsoonidii bulshaduna waa kala dhinmaysaa”. Sidaas waxa yidhi Yuusuf X. Faarax oo ka mid ah bulshada magaalada Ceerigaabo.