|

Wefti ka Socda Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo La Kulmay Dhiggooda Jabuuti & Arrimaha ay ka wada hadleen

Jabuuti 10. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo ka mid ah wefti ka socda Somaliland ku sugan waddanka Jabuuti, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil oo uu weheliyo Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo dhankooda kulankan ay ku weheliyeen Wasiirrada Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdillaahi Dheere), Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil iyo Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, waxaana ujeedada kulanku daarna horumarinta iyo sii xoojinta cillaaqaadka dhanka ciyaaraha ee dalalka Somaliland iyo Jabuuti.

Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil oo xafiiskiisa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, waxaannu xusay inuu ku faraxsan yahay in la xoojiyo xidhiidhka iyo cillaaqaadka horumarineed ee dhanka ciyaaraha iyo xidhiidhka wada shaqeynayd ee u dhexeeya labada Wasaaradood ee ciyaaraha Jabuuti iyo Somaliland, sidoo kalena waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan wixii horumar ah ee dhanka ciyaaraha ee kaga xidhan dhanka Somaliland.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo uga mahadceliyay Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti iyo Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland soo dhaweynta ay u fidiyeen, isagoo soo dhaweeyey hadalka Wasiirka Ciyaaraha Jabuuti iyo sida ay ka Wasaarad ahaan uga go’an tahay in la xoojiyo cillaaqaadka dhanka ciyaaraha ee labada dal, waxa uu isna dhankiisa sheegay inay ku dedaali doonaan adkeynta iyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha ee labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa ka war-bixiyey xidhiidhka dhanka ciyaaraha ee u dhaxeeya labada dal iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaraddaha Ciyaaraha Somaliland iyo Jabuuti.

Waxa kaloo Agaasimaha Guud sheegay in Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil oo hore u ahaa Xoghayaha Guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti uu yahay masuul si dhab ah ay uga go’an tahay in cillaaqaadka dhanka ciyaaraha Somaliland ay noqdaan kuwo horumara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa intaas ku daray in Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil uu safar ku iman doono caasimadda Hargeysa dhawaan, sidoo kalena uu ballanqaaday wixii awoodooda ah ee qalabka ciyaaraha iyo in tababaro heer caalami ah ay siin doonaan xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland.

Gaba-gabaddii Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil, ayaa hadyad sharafeed guddoonsiiyey weftiga ka socday Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble.

Comments are closed