Wefti ka Socda Dalka Denmark oo Maanta Kulan la Qaatay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Madaxda Wasaaradaasi ka Daawo Qurbejoog.com
Hargaysa 10.March 2014 (SDN)- Wasiirka wasaaradda kaluumaysiga jsl mudane cali jaamac faarax buureed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Denmark oo somaliland ka caawiya horumarinta kaluumaysiga
Wasiirka kaluumaysiga aya weftiga Denmark uga war bixiyey xaaladda kalluumaysatada somaliland iyo duruufahooda dhinacyad qalabka iyo shaqada.
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysigu Waxa uu sheegay in Caqabadaha dalka haysta ay ka mid tahay sidii ay Bulshadu ugu baraarugi lahaayeen ka faa’iidaysiga Khayraadka bada, Qalabka oo aad u liita isagoo intaas raaciyay in Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wanaajin lahaayeen Xidhiidhka labada dal.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com