Wefti Dawlada Federaalka ah oo Gaadhay Cadaado,iyo Dalabkooda ku Aadan in lagu soo Wareejiyo Sh,Xasan Daahir Aways
Cadaado 27.June (SDN) Wafdi iskugu jiray masuuliyiin iyo odayaal uuna horkacayay Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ahaa Wasiiradii DFKMG ahayd ayaa maanta tagay degmada Cadaado, halkaas oo kulmo looga hadlayo Arimaha Sh. Xasan Daahir Aweys kula leh ragii qabtay.
Wafdigan ayaa waxaa ku jira Yusuf Indhacade oo ay horay u wada shaqeyn jireen Sh. Xasan Daahir, waxaana lagu wadaa in xubnahan ay weydiistaan raga haya in Dowlada Somalia lagu soo wareejiyo si ay arimihiisa go’aan uga gaarto.
Shiikh Xasan Daahir ayaa maalmo ka hor safar dhinaca bada ah ku soo galay deegaanada burcad badeedu fariisimaha ku leedahay ee koonfurta Mudug ,waxana qabashadiisi ka dib soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan halka uu ku danbaynayo.
DF ee awooda kooban ayaa wada dadaal dheer oo isku dayayso inay gacanta loo soo geliyo hogaamiyiihi hore ee Al-shabaab ka tirsanaa si beesha caalamka ugu muujiso dagaalka Al-shabaab inuu dhab ka yahay.
Durba qabashadiisi ka dib odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beeshiisa ayaa Xasan Shiikh u tagay oo ka dalbaday in cafis loo fidiyo madaama Shiikhu uu ka tanaasulay fikirkii Jihaadka islamarkaasina diyaar u yahay bulshada inuu dib ugu soo laabto.
Dagaal dhowaan ka dhacay Baraawe ayaa ku dhexmray laba ciidan oo laba garab ka kala tirsan oo isla kooxda Al-shabaab ah ,waxana la sheegay in Axmed Cabdi Godane uu wado olole lagu sifaynayo saraakiisha sar sare ee siyaasadiisa ka soo horjeeda.
Cadaado SND.
Qurbejoog.com