Wefidi balaaran oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha xisbiga UCID oo booqasho ku maraya gobolada Bariga Somaliland
Burco Dec 30,2014(SDN/QJ)-Wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha xisbiga UCID Md Faysal Cali Waraabe ayaa manta gudo galay safar ay ku marayaan degaanada bariga dalkan.
Guddoomiyaha oo ay safarkan ku weheliyaan madaxda sare ee xisbiga UCID ayaa lagu wadaa in ay maraan degaano ay ka mid yihiin Balidhiig, Beer Burco, Ceel Same Dhoqoshey, Duruqsi,Goryoxuun Harashiikh,Ina dhkool, Qorilugud,Qoryaale, War cibraan, Waraabeeye iyo qaar kale oo faro baan.
Hogaanka xisbiga oo la soo xiriiray qurbejoog.com ayaa waxa ay u xaqiijiyeen safarkan ay madaxda xisbigu ugu anbabaxeen degaanada taageerada mudta leh hore ugu hayay xisbul xaakimka dalka.
Safarkan oo ah u kuurgal xaaladaha dalka ka jira khaasatan degaanada Bariga Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili dalka ay jiraan walaac siyaasadeed oo ku wejahan in doorasho dalka ka qabsoomi doonto iyo in kale.
Si kastaba ha ahaatee xukuumada Somaliland Ayaan jecleyn socdaalada madaxda xisbiyadu ku gaalaa bixiyaan degaanada dalka.
Xukuumada ayaa tirroba dhawr jeer ishortaagtay safari madaxda xisbiyadu hore u damceen in ay ku tagaan degaano dalka ka mid ah.
SDN/QJ-Burco