|

Wefdigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo UK ka dhoofay

London Feb 14,2013(SDN)-Wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaayo ayaa xalay ka dhoofay dalka Britain iyaga uu ku sii jeeda dalkii Hooyo.

Madaxweynaha oo intii uu ku sugnaa dalka Britain la kulmay Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Britain iyo Jaaliyada Somaliland ee Britain ayaa berito gelinka danbe lagu wadaa in uu hargeysa gaaro.

Safarka Madxweynaha ee Britain ayaa waxa uu la xiriiray kala hadalka Britain arimaha Shirka Soomaaliya ee London iyo hadalo digniin ahaa ku saabsanaa amaanka Somaliland oo Britain ay dhawaan shaacisay.

Labada qodoba Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in uu kala hadlay xukuumada Britain.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed