|

Weerarro Shabaabku Ku Qaadaan Xarunta Baarlamaanka Kenya Oo Laga Digay Iyo Magacyada Xubnaha Fulinaya Oo La Shaaciyey

Nairobi:March,02,2015(SDN/QJ)-Waxa Gebi ahaan sare loo qaaday Ammaanka Xarunta Baarlamaanka Kenya, kadib markii la helay warar hordhac ah oo sheegaya inuu jiro Weerarro kooxda Al-shabaab ku qaadaan dhismahaas.

areeSirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in 12 ruux oo ka mid ah ururka Alshabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan xarunta baarlamaanka iyadoo lix ka mid ah raggaasna ay ku sugan yihiin magaalada Nairobi, halka lixda kalana aan la garanayn halka ay joogaan

Sidoo kale sirdoonka dalka Kenya ayaa ka digey in ay dhici karto in gaadhi waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsado weerarka Baarlamaanka.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in weerarka uu qorsheyay nin magaciisa ay ku sheegeen sirdoonka dalka Kenya Mr Mohammed Mohamud. Sida aan ka soo xiganay warbaahinta dalka Kenya Mohamud ayaa ka mid ahaa dableydii weerartay magaalada Mandera November 22-keedii 2014.

Digniinta ka soo baxday sirdoonka dalka Kenya awgeed ayaa waxaa la kordhiyay ammaanka gudaha iyo dibadda xarunta baarlamaanka iyadoo halkaa la geeyay ciidamo kale.

Kusimaha taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Mr Samwel Arachi ayaa u sheegay jariirada Nation in la kordhiyay ammaanka goobaha muhiimka ah ee dalka Kenya.

Kenya ayaa kaw ka ah Waddamada Dhibanayaasha ka ah Weerarrada Kooxda Al-shabaab qaaddo, waxana wali la xasuustaa Weerarkii sida weyn loosoo agaasimay ee Kooxdu sanadkii 2013-kii ku qaadday Xarunta Ganacsiga Westgate oo lagu laayey Tiro dad ah oo ku dhaw 70-Qof oo shacab ahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed