Weerarradii Cirka Ee Sucuudigu ku Hayey Dalka Yemen Oo La Joojiyey Iyo Sharraxaad Laga Bixiyey Sababta Keentay
Riyad:April,22,2015(SDN/QJ)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa shaacisay inay joojisay weerarradii xagga cirka ee isbahaysiga ay hoggaamisaa ka wadeen Gudaha waddanka Yemen, kadib markii ay kumanaan madfac diyaaradahaasi muddadii ay duqaynta wadeen ku tuureen dalka yemen.
Warka joojina Weerarradii cirka ahaa, aya laga baahiyeyTelefishanka dalka boqortooyada Sucuudiga, kadib bil uu weerarkaasi ku socday kooxaha Xuutiyiinta ee Dagaalka ka wada Dalka Yemen.
Telifishanka boqortooyadda Sucuudiga oo soo xiganayey warmurtiyeed ay wasaarada gaashaandhiga Sucuudiga soo saadhay ayaa waxa uu sheegay in joojinta weerarada cirka ay timi kadib markii madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Rabo Mansuur uu Sucuudiga ka codsaday in la joojiyo weerarada cirka.
Waxaa warmurtiyeedkan ka soo baxa wasaaradda gaashaandhiga ee Sucuudiga lagu sheegay in weeraradii cirka ee ka Dhanka ka
ahaa Xuutiyiinta laga gaadhay dhamaan ula jeedooyinkii laga Lahaa,waxaa sidoo kale lagu sheegay bayaankan in la bilaabay hawlgal cusub oo loogu magac daray dib u soo celinta Rajada kaas oo xoogga saari doona waan waanta siyaasadeed ee dalka Yemen iyo sidii xal siyaasadeed looga gaadhi lahaa mashaqada ka aloosan dalka Yemen,iyada oo hawlgalada ciidan ay ku sii so on doonaan heer ka hooseeya sidii hore.
QM ayaa waxa ay sheegtay in dad gaadhaya 700 oo qof ay ku dhinteen weerara cirka iyo iska hor imaadyada u dhexeeya kooxaha dagaalamaya.
SDN/QJ