Weeraro lagu qaaday guryaha madaxda mucaaradka Somaliland
Hargeysa (QJ) – Magaalada Hargeysa waxa ku sii kordhaya weerarada lala beegsanayo guryaha ay degen yihiin madaxda mucaaradka Somaliland, iyadoo muddo laba todobaad gudaheed ah laba guri la weeraray.
Hoyga uu Hargeysa ka degenyahay xoghayaha Guud Ee xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa taayir lagu hor gubay xalay, taas oo sababtay khasaare gaadhay albaabka guriga oo ku yaala xaafadda Masalaha ee koonfurta Hargeysa.
Dhawaan ayay ahayd markii gaadhi la galiyay dayrka guriga gudoomiyaha Waddani, gaar ahaan masaajidka oo ku dhex yaala gurigiisa xaafadda Goljano.
Intaa ka hor, waxa ciidamo booliska ka tirsani ay rasaas isweydaarsadeen ilaalada guriga musharaxa xisbiga wadani Cabdiraxmaan Ciro.
Waxa jira madaxda qaar guryahooda uga baxday sababo ammaan, sida murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo u guuray xaafadda New Hargeisa isagoo kasoo guuray xaafadda Pepsi oo ay ku badan yihiin taageereyaasha madaxweyne Muuse Biixii.
Sidoo kale, xukuumada Madaxweyne Biixi ayaa xabsiga dhigay madax sare oo ka tirsan axsaabta qarank oo ka qeybqaatay isu soobaxyada doorasho doonka ah.
Somaliland waxa ka taagan xiisad ka dhalatay doorashada madaxtooyada iyo ta ururada, oo sababtay dibedbax.