Weerarkii Westgate Mall oo ay ka qeyb qaateen Afar Ruux oo hubeysan iyo fadeexada ciidamada Kenya
Nairobi Oct 03,2013(SDN)-Muqaal laga helay suuqa Westgate Mall ee September 21 la weerarya ayaa muujiyay in tirada dadka weerarka ka qeybqaatey ay aad uga yaraayeen tirooyin hore loo shaaciyay.
Sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka ee dalka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo isla markaana daawaday muuqaalkan ayaa sheegay in ay weerarka fuliyeen uun afar ruux oo qura.
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen 10 ilaa 15 ruux oo aad u hubeysan.
Sarkaalkan daawada Muuqaalkan Video-ga ah ayaa sheegay in cajaladan uu ka daawaday afar nin oo hubeysan oo tooganaya shacabkii suuqaasi ka adeeganayay.
Kooxda Al Shababa ayaa sheegatay in weerarkan ay geesatay iyada oo ka jawaabeysa ciidamada Kenya ee duulaanka ku qaaday Soomaaliya.
Baarlamaanka Kenya ayaa dalbaday in guddi baaritaan loo saaro weerarkan lagu qaaday Westgate Mall.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com