|

Weerarkii Westgate Mall ka dib Ciidamada la dagaalanka Argegixisada oo Soomaalida Bartilmaansada

Nairobi Oct 06,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ayaa la sheegay in ay intii ka danbeysay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall waxa ay bartilmaansadaan Soomaalida dalkaasi ku nool.

Ciidamada ayaa ciidii ay Soomaali u gartaan ama u muuqaal egba xabsiyada ku gurayay todobaadyadii ka danbeeyay weerarka.

Ubax Abukar oo ah haweeney Soomaali ah oo heysata dhalashada dalka Mareykanka iyo Burci Xamza oo isna reer Canada ah ayaa ay ciidamadu dhawaan midna xabsiga dhigeen midna ku daayay sababo diblomaasiyadeed awgood.

Ubax oo u joogta Nairobi ganacsi ayaa sheegtay in ciidamadu aqalka ku soo jebiyeen ka dibna ay kexeysteen.

” Waxa ay iga qaateen Mobilkii,passaport kii iyo xitaa magacyadii magacydii miisheyda ayay qaateen. Maan moodeyn in marnaba la i sii deynayo”ayay tiri Ubax Abukar.

Booliska ayaa xabsiyada ku guraya Soomaalida si suaalo ku saabsab weerarkii Wextgate Mall

Ubax ayaa kolkii weerarku ka dhacayay Westgate Mall waxa ay fariin u dirtay ruux halkaa ku sugnaa.

Xildhibaan Burci Xamza oo isna Boolisku aqalkiisa ugu tageen ayay ka maageen in ay xabsiga dhigaan ka dib kolkii ay ogaadeen in uu yahay Diblomaasi.

Ubax ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay xabsiga ay suaalo isdaba jooga weydiinayeen ciidamada Kenya ee weerarka baarayay.

“waxa ay i weydiiyeen waxaan Kenya ka qabanayo,cida aan la joogo iyo in aan garanayo cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay weerar?”ayay tiri Ubax

Ubax ayaa ka wartay wixii ay ku aragtay xabsiga mudadii labada cisho aheyd ee ay ku jirtsy gacanta ciidamada Kenya.

“Waxa ay ciidamadu soo qabqabteen Soomaali u badan dhalinyaro oo aad u faro badan”ayay tiri Ubax.

Ubax Abukar ayaa xabsiga laga sii daayay uun ka dib kolkii ay saraakiil ka hawlgala Safara Mareykanka ee Nairobi ay xabsiga ku booqdeen ayna dalbadeen siideynteeda.

si kastaba ha ahaatee waxa haatan soo ifbaxaya in ciidamada Amaanka ee Kenya ay si toos ah u bartilmaansanayaan Soomaalida dalkaasi ku nool iyada oo sharciga aan loo aabo yeeleyn.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed