|

Weerarkii Shalay ee Baraawe Yaaqaaday,yaase lagu qaaday?

Baraawe Oct 06,2013(SDN)-Weerar shalay lagu qaaday aqal ku yaal xaabta magaalada Baraawe ayaan ilaa iyo haatan la garaneyn cida qaaday,waxaase soo baxaya in weerarka lagu qaaday mid ka mida hogaaamiyeyaasha Shabaabka.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa tibaaxaya in weerarka lagu bartilmaansaday nin Ajenebi ah oo ka mid ah hogaanka sare ee Al Shabaab.

Isla xogahani ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Navy SEALS-ka Mareykanku fuliyeen hawlgalka.

Hogaamiyahan oo u dhashay dalka Chechnya ayaa magaciisa la yiraahdaa Abu Diyad oo isla markaana loo yaqaano Abu Ciyad.

“Waxaanu la soconaa in ciidamadii weerarka qaaday ay dhaawaceen abuu Ciyad isla markaana dileen mid ka mida ilaaladiisa oo isna ahaa ajanabi”sidaa waxa  Reuters u sheegay sarkaal ka mida ciidamada Sirdoonka ee dawlada oo magaciisa ku soo koobay Mohamed.

Kooxda Al Shabaab ayaa ku eedeysay dalalka reer Galbeedka iyo Turkiga in ayweerarka wada jir u qaadeen.

Dawlad aTurkiga ayaa iyadu beenisay in ciidamadeedu goobtaa ka ag dhaw yihiin,sidoo kalena dawlada France ayaa sheegtay in ciidamo aaney u dirin Soomaaliya.

Weerarkan lagu qaaday aqalkan ku yaal magaalada Baraawe ayaa imanaya iyada oo mudo laba todobaad uun ah laga joogo weerarkii Shabaabku sheegteen ee lagu qaaday Westgate Mall.

SDN-Baraawe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed