Weerarkii iyo dagaalkii bajaajta…..Allahayaw maxaa naga qabsaday waan qarsanayaaye!
sidaasay ku dhamaatay safarkayagii shaqo ee aanu maanta ku tagnay magaalada borama, sidan ayeyna wax walba ku bilaabmeen:
Abbaaro sideedii subaxnimo ka hor intii aanan ka jarmaadin magaaladda Hargeisa aniga iyo kooxdii aanu wehelka ahayn ee ka socotay wasaaradda qorshaynta qaranka iyo hay’adda UNFPA ee ujeedada safarkoodu ahaa xog ururin ku saabsan dadwaynaha somaliland “population estimation survey” ayaa telefankayga gacantu dhacay. waxa khadka iigu jira nin aanu sxb-nahay oo ku sugan Borama oo aanu jaamacadda camuud isku fasal ahayn. wuxu igu wargeliyey in maanta uu magaalada ka socdo mudaharaad abaabulan oo lagaga soo horjeedo arrimaha siyaasadeed ee ka dhacay saylac oo sida uu ii sheegay xukuumadda lagaga soo horjeedo qorshayaasha ay halkaa ka waddo. markii aan waydiiyey cidda lagu mudaharaadayana waxa uu ii sheegay in wefti ka socda Hargeysa oo uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenku uu safar ku imanayo magaalada sidaa daraadeedna dadku ay doonayaan in ay muujiyaan cabashada arrintaa lagaga soo horjeedo. cabbaar haddii aanu sheekaysanaynay waxan ku kala tagnay in kolba xaalka iyo halkuu marayo uu telefanka igala soo socdsiiyo, Ok ayaanu iigu jawaabay.
Gabiley ayaanu ka qadaynay, Boramana abbaaro 2:30 duhurnimana ayaanu ku beegnayn kaantaroolka koonfureed ee Borama. in yar markaanu u jirno istebta magaalada ayaanu si kadis ah ula kulanay oo iskaga hornimid dadwayne aad u badan oo dhalinyaro iyo dumar u badan oo ku hubaysan bakoorado iyo budhadh oo waddada tuban. waxa sidoo kale ii muuqday taayiro ku gubanaya meel aan sidaas uga sii fogayn kaantaroolka. judhiiba darawalkii gaadhiga ayaa si deg-deg ah dib ugu kala jeediyey gaadhiga oo afka u saaray dhankii aanu ka nimid iyo wadada gorayo cawl waxan sidoo kale arkaayey dhalinyaradii oo gaadhiga soo daba ordaaya. hadduu cabbaar socday ayaa inamo deegaanka u dhashay oo nala socday ay ku wargeliyeen darawalkii in uu istaago si iyagoo lugaynaya ay ugu tagaan dhalinyarada oo ay naruuro ka muujinayeen in ay isgarandooonaan ka dibna ay ku qancin doonaan in ay jidka noo banneeyaan. sidii ayaanu yeelay waanu istaagay. waxa kasoo dagay dhawr aan ku jiro. waxan u kicitinay dhankii ay naga xigeen, in cabbaar ah kadibna waxa aanu si toos ah isku waajahnay mudaharaadayaashii. waxa hadalka ku horeeyey kooxdii aanu wada soconay oo ku tiraabay hadalo aan ka xasuusto “Ma innagiibaa iskula nimid maantana; annaga yaad na moodaysaan; waar dadkii magaalada ayaanu nahaye wadada fura” ereyadaas iyo ereyo kale ayaa ka mid ahaa kuwii dhanka kooxdayada kasoo yeedhaayey. intii aan naloo jawaabinba waxa dhacday ayaan darro kale.
koox cusub oo iyna hubaysan ayaa bajaaj nagaga dul daattay sida ciidamaddii lagu sheegi jiray “Ranchers-ka” kooxdaas oo aan dheg la qabtaba lahayn ayaa budhadh nala boobay. waxan arkaayey qaar ka mid ah asxaabtaydii oo si xun budhadh loola dhacaayo. waxan sidoo kale arkaayey sxb-kaygii nala socday ee magaalada u dhashay oo isaga laftiisa aan loo aabboyeelin. anigana waxa isoo gaadhay budh aan wax badan i yeelin.
Haddii intaasi ay dhacday xaalkayagu wuxuu noqday “Col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan” jawaabtii go’aan qaadashaduna waxay noqotay Orod! malaha waa halkii laga yidhi “Naftu orodbay kugu aamintaa”….oo laakiin yaad ka dheeraynaysaa ayaa su’aal ah. ma dhowrka boqol ee qof ee iskugu jira nooc walba ayaad orod kaga dheeraynaysaa. aad carartid maba xumee halkeed ku carari? shaw kii gaadhiga noo wadayna waabu khal-khalay oo markuu arkay dad la budhaynaayo ayuu orod miciinsaday oo gaadhiba meesha nooma yaallo!. iyana xisaabta ku darso waa dhibaato kale.
in yar haddaanu cagaha wax ka daynay, nasiib wanaag waxa aanu ku aragnay wadada dhinaceeda dhisme cusub oo ka taagan meel cidlo ah. waa guri imika uun farta laga qaaday sida aan arkaayey. waxa markaa hortaagnaa waashmaankii “waardiyihii” guriga sidaa darteedna albaabku wuu furnaa. anagoon su’aalba ka keenin ayaanu aqalkii daf nidhi. waxa markaa faro cididood noogu soo dhawaa koox saaran babuurtaas yar yar ee “BAJAAJTA” aynu nidhaahno saaran oo iyaguna sida kuwii hore bakoorado waawayn ku hubaysan. aqalkii dayrka lahaa dirqi iyo is-maqiiq ku galnay albaabkii dayrka ayaanu hoosta ka xidhanay (weliba waxaan aad u jeclahay dadkii aanu aqalka ka xidhanay in uu waardiyihiina ku jiray, oo ma waardiyaa noo muuqda?!)… judhiba waxa aanu hubnay in dayrka laga soo daadan karo sidaa daraadeed qol yar oo xamaam u eeg ayaanu daf nidhi hoostana kasoo xidhanay. shakigayagii ayaa hadana rumoobay. kooxdii oo markan cadho kale cadhadii hore ugu darsantay ayaaba nasoo dul qamaamtay, waxanay sida ciidamadii la odhan jiray kuwa dallaayada ku booda uga soo daateen deyrkii aqalka ilaa gudaha ay iskusoo hubsadeen. dhagaxaan, biro iyo budhadh ayaa lagala daalay daaqaddaha qolkii yaraa ee aanu ku jirnay cabbaar ayaanay sidaasi socotay, bugta iyo bambtu, ilaa ay gaadhay heer daaqadihii qolku ay dhulka kusoo idlaadeen. xagayaga dhaq-dhaqaaqu wuxuu iskugusoo biyo shubtay telefoono diris. waxanu garaacnay tiraba telefoono wixii aanu is lahayn waxbay idiin qabanayaan waxay ahaayeen telefoono SOS-ah ama NA BAD-BAADIYAAY. waxa ka mid ahaa dadka aan garaacnay mid ka mid ah asxaabtii magaalada joogtay kaas oo nagu caawiyey in uu police-ka ogaysiiyo xaalkayaga iyo meesha aanu ku Jirnaba. inkasta oo cabbaar ka dib ay nasoo gaadheen askartaasi oo ay bad-baadadayada qayb ka ahaayeen haddana waxa iyaguna dhankooda ammaan iyo mahadnaqba mudan qaar ka mid ahaa dhalinyaradii mudaharaadaysay oo aan maqlaayey iyagoo ereyo dagaal joojin ah kula dhex dhacay kuwii weerarka nagu waday…waxa sidoo kale aan ka dhex maqlaayey qaar kale oo iyaguna garanaayey dadka guriga iskaleh sidaa darteedna dhibta guriga u diidaayey si kastaba ha ahaatee Mahadnaqa ugu wayn waxa iska leh ILAAHAY oo suuragaliyey in wixii dad na dul tubnaa hadana aanay nasoo gaadhin dhibkii ay nala maaganaayeen.
waxan ka xumahay in qof ku dhinto inta ogolaakay rabshadahaas saddex kalena ay ku dhaawacmaan…waa ayaan darro muslim ahaan iyo dal ahaanba inagu dhacday in maalinba rabshado dad dan lihi ay soo abaabuleen ay dad masaakiin ah oo aan xaqiiqba ogayni ay inagaga dhintaan.
Gabagabadii waxan leeyahay “Dab munaafaq shiday mu’minbaa ku gubta” sidaa darteedna shicbiga waxan leeyahay waa in ay kaantaroolaan cadhadooda isla markaana bartaan markay mudaharaadayaan Qaabka loo mudaharaado hadii kale dhibaatadu shacbiga iyaga la midka ah ayey ku habsanaysaa wax aan dhib ahayna soo kodhimaayo.
xukuumaddana waxaan leeyahay fadlan faragalinta halaga daayo shacbiga wada dhashay oo iyagu iska xiga cid walba. waa in ay yeeshaan xukuumaddu biri-ma-geydo siyaasadeed. si aan rabshado hor lihi uga dhicin dalka sida tan maanta dhacday ee bari ilaa galbeed taayiradu qiiqayaan!
Allow sahal umuuraha.
Faisal Jama Geelle
Borama,Somaliland.
4134696