|

Weerarkii Haweenayda Reer Sweden oo Fadeexadi ka dhalatay

Muqdisho:22-Aug-2013-(SDN)-Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ayaa saacado kadib waxay  Saacado ka dib markii ay Haweenaydaasi dhaawacantay ayey ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugiddu Gudaha u galeen Xarunta Jaamacad oo ahayd Goobtii lagu weeraray;

garaaaBaadhitaanno ay ciidanka Nabad-sugiddu sameeyeen, ayaa sidoo kale lago Ogaaday inaanay jirin cid ka tirsan xukuumadda oo ka war haysay imaanshiyaha Haweenaydan ee dalka Somalia marka laga reebo Kooxda Socdaalka oo iyagu si aad ah ula socday.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Madaxa Shaqaalaha Shaqada ee Jaamacada Somalia C/laahi Maxamuud Maxamed, in ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay xarunta jaamacadda soo galeen isla markaana kaxeysteen Saddexda Mas’uul ee ugu sareysay Jaamacadda.

Wuxuu sheegay Cabdullaahi in la geeyay xarunta danbi baadhista ee CID halkaasi oo mudo Shan saacadood ah ay u xidhnaayeen ciidamada Nabadsugida, wuxuuna intaa raaciyay in su’aallo laga weydiiyay waxa ay aheyd haweeneydan, cidda mas’uulka ka aheyd iyo ujeedada ay u socotay.

C/laahi Maxamuud Maxamed ayaa sheegay inay u sheegeen Hay’adda CID-da, inaysan iyagu Magaalada Muqdisho keenin haweeneydaan, sidoo kalana aysan iyagu masuul ka ahayn ammaankeeda, balse ay keeneen niman kaloo Soomaali ah, ayna ku soo xidheen Jaamacadooda, kadib markii ay jecleysatay inay Siminaar ka bixiso muddo laba cisho ah.

Mas’uulkan ayaa sheegay in markii wax danbi ah lagu waayay Shan saacadood kadib lasii daayay.

Arintan ayaa muujineyso in Dowladda Somalia aysan waax war ah u haynin dadka ajaaniibta ah ee soo galaya gudaha dalka Somalia, gaar ahaan xarunta caasimada ee Muqdisho oo Dowladda xarunteedu tahay, waxayna fadeexad ku tahay hay’addaha socdaalka iyo kuwa amniga, iyadoo arrintanina xaasaasiyad gaar ah leh maadaama ay haweenaydani tahay diblomaasiyad ka tirsan xisbi siyaasadeed oo ka jira dalkeeda Sweden.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed