Weerar Qasaaro Geystay oo Xalay Ka dhacay Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya
Garissa Jan 17 2013 (SDN)– Ciidamada booliska dalkaKenyaee ku sugan Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in weerar ay kooxo hubeysan soo qaadeen xalay ay ku geeriyoodeen 5-qof sadax kalana ay si xun u dhaawacmeen.
Charlton Mureith oo ka tirsan saraakiisha booliska gobolka ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday goob maqaaxi ah oo ay dad badan ku sugnaayeen xiligga uu weerarku dhacayay.
Dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan xubno ka tirsanaa ciidamada Amaanka iyo kooxihii weeraka soo qaaday.
Dadkii ku dhawacmay weerakaasi ayaa sidoo kale loo qaaday Isbital Magaalada Kuyaalla halkaasi oo la sheegayo in dhawacooda lagu dabiibayo.
Charlton Mureith ayaa tilmamaay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ahaayeen Taageerayaal ka tirsan Xarkada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garissa.
Booliska ayaa sameeyay dhacdan kaddib howgallo aan la sheegi karin cida ay ku soo qab qabteen, laakiin waxaa muddoyin danbe aad ugu badanaa gobolka WaqooyiBariKenyaweerarada ay kooxaha hubeysan u geysanayaa CiidamadaKenya.
SDN-Gaarissa