Weerar Khasaare Sababay Oo Xalay Loo Geystay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Amisom
Muqdisho:13-Jan-2014(SDN)-Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxaha Alshabaab ee Dagaalka Kula Jira Dawladda Somalia ay Habeenkii Xalay Weerar Gaadmo ah ku qaadeen Goobo ay ku sugnaayeen Ciidanka AMISOM.
Weerarkan oo Lagu sheegay inuu ahaa qarax lala eegtay Ciidanka Amisom ayaa khasaare weyn gaadhsiiyey ciidamadii lala beegsaday, waxana jira warar muujinaya in dhimasho badani halkaas ka dhacday.
Goobta Weerarku ka dhacay oo ah oo dhaw Deegaanka Lafoole, ayaa dhimashada ciidanka Amisom soo gaadhay lagu sheegay ilaa shank a Tiran ciidanka, waxana jira Dhaawac badan oo la gaadhsiiyey ciidamada qaraxa loo geystay.
Guddoomiyaha Deegaanka Lafoole oo warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay in weerarkaasi uu khasaare badan keenay, balse si toos ah ugama uu hadlin khasaaraha la gaadhsiiyey Ciidanka Amisom oo ujeedadu iyaga ahayd.
Ciidamada Dawladda ayaa iyagu hawlgal ballaadhan xalay ka sameeyey deegaanka Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxana halkaas lagu soo qabqabtay Dhallinyaro tiro badan oo looga shakisan yahay inay lug ku leeyihiin qaraxyada iyo rabshadaha xilliyada Habeenkii lagu qaado goobo ka tirsan magaalada.
Dhinaca kale Ciidamada Amisom ayaan iyagu wax hadal ah ka soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday, waxana ay ka gaabsadeen inay ka Hadlaan dhacdadaas xalay loo geystay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com