Weerar iyo Dilal Aan Hore Loo Arag oo Saraakiil Sarsare Loogu Geystay Saraakiil ka Tirsan Soomaalida Ethiopia
Mustaxiil:27-Aug-2013-(SDN)-Wararka ka imaanaya deegaanka Sabax xume oo kamid ah deegaanka hoostaga degmada Mustaxiil ee dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay saraakiil ka tirsan deegaankaasi.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in GuDdomiiyihii deegaankaasi Axmed Seyngooye iyo ku-xigeenkiisii oo lagu soo koobay magaciisa Food Cadde lagu dilay weerar ka dhacay deegaankaasi, sida ay sheegayaan warar xogogaal ah oo halkaasi ku dhawi.
Sidoo kale sarkaal magaciisa lagu sheegay C/laahi Maxamed Daahir ayaa kamid ah dadka la sheegayo inay ku dhinteen weerarka ay qaadeen kooxaha hubaysani oo aan wali si rasmi ah loo aqoonsan waxa ay yihiin.
Ma jiro war kasoo baxay Soomaalida ku dhaqan dhulkaasi masuuliyiintooda oo ay kaga hadlayaan weerarka la sheegay in madax maamulka ka tirsan lagu dilay, waxase arrintani ay Deegaankaas ku soo kordisay warwar iyo baqdin farabadan oo ay dadka shacabka ahi qabaan, iyadoo loo malaynayo inay raggaasi u dhinteen Aano qabiil.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com