Weerar ismiidaamin ah oo ruxay Caasimadda dalka Yemen iyo khasaaraha uu sababay
Sanca 21, May 2012 (Qurbejoog.com/BG)- Caasimadda dalka Yemen ee Sanca, waxa Isniinta maanta ruxay qarax Argagixiso oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ka dhaca dalkaas.
Qaraxa oo uu sababay qof ismiidaamiyay, waxa oo uu ka dhacay goob ay ciidan Milateri ah ku sugnaayeen oo u dhow Madaxtooyada Yemen ee caasimadda Sanca.
Siday xaqiijisay wasaaradda Difaaca Yemen, in ka badan 90 qof ayaa ku dhintay qaraxaas, iyadoo boqolaal kalena ku dhaawacmeen.
Masuuliyadda weerarkaas waxa markiiba lala xidhiidhiyay Al-Qaacidada dalka Yemen, iyadoo dalkaasi ahaa kii uu ka bilaabmay kacdoonkii sannadkii hore saameeyay meelo badan oo ka mid ah dalalka Carbeed. “Tani waa xasuuq dhab ah,” sidaa waxay Associated Press ka soo xigatay askari magaciisa lagu sheegay Ahmed Sobhi.
Dhacdadan ismiidaaminta ah ee Sanca oo u muuqata mid ka dhan ah guusha ciidanka Difaaca Yemen, waxa uu layaab ku noqday dawladda, wuxuuna muujiyay caqabadaha horyaala Madaxweynaha cusub ee dalkaas Abed Rabbo Mansoor Hadi.
Madaxweyne Mansour Hadi waxa uu bishii February ee sannadkan xilka kala wareegay Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax oo uu hore ku xigeen ugu ahaa, ka dib markii kacdoon dadweyne lagala hortegay.
Qurbejoog.com, Sanca