Weerar Cusub Oo Xalay Laga Fuliyey Deegaanka Xeebta Kenya, Boolis iyo shicib Lagu Laayey
Lamu:July,19,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Gobolka Xeebta Kenya, ayaa sheegaya in Habeenkii xalay ay kooxaha Al-shabaab Halkaas ka Geysteen Weerar ay ku laayeen Dad Tiro badan.
Gaadhi ka soo socdaalay Magaalada Mombassa kuna sii socday Lamu, ayaa dhexda loo galay, iyadoo halkaasna lagu tiro ka mid ahDadkii rakaabka ahaa ee saarnaa Gaadhiga.
Xoogagan, ayaa gaadhiga waxay ku qabteen Deegaanka Witu, iyagoona afduub ahaan ula dhaqaaqay dhinaca hawdka, waxaase kolkii dambe ku soo baxay Booliska Deegaanka oo ka war helay. Ka hor intii aanay gudaha u gelin hawdka.
Iska horimaad fool ka fool leh, ayaa labada dhinac ku dhex maray Deegaanka Witu, halkaasoo lagu dilay 5 ruux, oo 2 ka tirsan ay Booliska yihiin, halka 3-da kalana ay yihiin rakaabkii gaadhiga la socday. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay weerarka ilaa 8 ruux, oo 4 ka mid ah ay Boolisku ka tirsan yihiin.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Xeebta Njenga Miiri, ayaa sheegay inay Boolisku wadada kula kulmeen Xoogagii leexsaday gaadhiga rakaabka, ee ku sii jeeday Lamu, ka Dib markii ay ku baxeen.
Taliyuhu wuxuu kaloo sheegay in Xoogagii weerarka soo qaaday ay ku baxsadeen dhinaca hawdka, isla-markaana aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray iska horimaadkaasi.
Njenga Miiri, ayaa intaa raaciyay inay jiraan qaar ka mid rakaabkii gaariga la socday oo la la’yahay, iyadoo loo maleynaayo inay hawdka ku firxadeen, laakiin ay soconayaan baadi-goob lagu doonaayo in lagu soo qabqabto.
Ugu dambeyn weerarkan, ayaa waxaan jirin cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadiisa, balse weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacaayay Gobolka Xeebta, ayaa waxaa sheeganeysay Al Shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com