WAYD NINKII LAHAA KA CARARAAN, HANBADEEDII SUGAYAA!!
HANKA XUKUMADU HALIS WUXU KU YAHAY, DADAALADII ISDABA JIITAMAAYEY EE
QARANIMADA SOMALILAND
Manta oo ay taariikhdu tahay 24/6/2012 waxaan doorbiday inaan waxooga ka idhahdo
arimahaan shacabkii reer Somaliland malmahan caadaystay kana daadagi la, oo ay ugu
horeyso shirkan ka furmay London mar sadexaadkii,
Hadan dib u yara mililico Somaliland manta halkay marayso iyo waxaay ka mudan tahay
aduunyada inteedii kale, Somaliland manta waxaay haysata waxaanay haysan somalida inteedi
kale, oo ay ka mid tahay
Dhamaan waxaay buuxisay shurudiihi ay lahaan lahayd qarankastoo aadunyadan ka
jira gaar ahaan kuwa xaga ilbaxnimada iyo aqoonta dimuqraadiyada iyo diintaba ka
horumaray
Somaliland dadalo badan ka kadib waxaay ku guulaysatay, in aay doorashooyin dawlada
waaweyn ee aadunyada horumartayba khalkhal galin kara, inay ayar ku guulaysato kana
talaabsato,
Somaliland waxaay gaadhay arimaha soo kala dhex mara iyada iyo aadunyada kale, in si
kalsooni ku jirto ay ula xaajooto sida (budhcad badeeda argagixisada, xuquuqal insaanka
iwm)
Somaliland dadaalo hore iyo diba loo galay waxaay ku guulaysatay inay safaarado badan
ku yeelato aadunyada kale, taas oo ku tusaysa in loo soo dhawaynayo in soomaaliland
loo ixtiraamo sida dawlada horumaray oo kale
Hadaba Somalia halkay taala
Somalia xaladeedu waxaay tala meel loo duceeyo, xukuumadii ay dhisteen ee ku dhisnayd
qaab qabiilka oo aynu wada ognahay xitaa xamar oo kaliyaa inaanay ka wada talin, hadaan
soo ururiyo xalda xamar iyo manta
Xamar hadii lala tashan laha iyo hadii kaleba dawlada sheikh shariif gacanta kuma
hayso ee waxaay ka tahay meeqanka maxamiyad oo kale ,
Waynu xasuusan karna in wakhti wakhtiyada kamid in dawlada kiiniya si u kasa ay
ciidamadeedu u soo galen dalka somaliya , isla maalinta sheikh sahrif si cadho leh
uga jawaabay arintaas isagoo ka xun in ay ciidamo kiniya u dhashay iska soo galaan
dalkiisa ,laakiin nasiib daro arintiisi waxaa ka hor yimi tageerayna in ay kiiniya soo
gasho raysal wasarihii somaliya, halkaasna waxaad ka arki karta in aan nidaam iyo kala
danbayn jirin xukumada dhan ee xukumada siilaanyo ay ku qancsan tahay in ay hor
fadhisato ,waa xukumada siyaasadeedi heer qaran ay halkaas taal ,alla kariim
,maalmo kadib waa tii sheekha looga yeedhay nairobia, isagoo raaliya hadana waa tu
iska soo noqday ,arintaasi waxaay ku tusaaysa in arintii somaliya loo badalay maxmiyad
Hadaba waxaan ku talinlahaa manta somaliya ma joogto meel ay Somaliland ka wada
hadlaan waxaanan ku adkaysanayaa in arintaasi lagu dagdagay ,waxaa ka haboonayd in aynu
wakhtigeeda sugno intay , imanayso dawlad sideena oo kale haysata kalsoonida shacabkeeda
buuxisayna dhamaan shurudihii xukumadi lahayd oo aan ku salaysnayn , qabaa,il iyo kooxaysi ee
ku dhisan wada tashi iyo tartan heer qaran ah
Hadaba markay xukumada Somaliland , jacayl badan u qabto in ay hor fadhiisato ninkaas jeelka
ku jira, ee cadilan ee ay ku socdaan dagaalo aan damayn ,ee sawirka laga dhigtay dawlado
dana gaara lihii ku adeeganayaan, ee bal waa nasiib dare hadana ay u hadhsan tahay labada
bilood ,arintaasi waxaay noqonaysaa( hashu maankaygi gadaye ma maansar bay liqday)
Shirkani inu qabsoomo yaa dabada kawada, ee ku aadan somaliya iyo Somaliland, waxaa
dabada ka wada
1. Dawladaa reer galbeedka oo iyagu ujeedada ugu waynee watan tahay la dagaalanka al
shabaab iyo budhcad badeeda
2. Carabta oo iyagu daneeya marna ba in aanay somaliya kala go,in. midnimaduna
muqadas tahay
Waayo hadaan tusaale ku soo qaato wadamada carabta ila hada safaradii somaliya way
ka shaqeeyan waxaana fadhiya safiiradii uu maxamed siyaad bare kaga tagay ,carabtuna
aminsantay inta dawlad somaliyeed la helaayo in ay aqoonsan tahay kuwa uu siyaad
bare kaga tagay
Waxaan ku soo gabagabaynayaa Somalia danaa inagaga xidhan ee aynu wada hadalno
waa sax, laakiin xiligeeda iyo goorteeda aan sugno ,intay ina sooo gaadhayaan ee ay
noqon karan wax inala mida oo haysta kalsooonida shacabka ,
Talo bixina waxaa iga ah haday dawladu is leedahay kaanbayn ka dhigo ,dadkan
waxma garatada ah maalin ba filin u sawir ,waxaan lee yahay waxii ALLA qora qoran ee
wakhtigeeda aan sugno ( wayd ninkii lahaa ka cararaan, hanbadeedi sugayaa)
Qalinkii; Cabdilahi Cisman Cabdi (Cabdilahi Gadhle)