|

Waxqabadka Xukuumadda Iyo Waxyeeladd​a Xukuumadda – Is-barbar dhig

Marka la qiimeeynaayo xukuumad waxa fiican in la isbar-bar dhigo xukuumadda waxay qabatay oon la xistiyin, oo weliba la bar-bar dhigo waxay qaladay si qiimeeyn dhab ah loogu sameeyo. bal haddaba xukuumaddan Kulmiye ee Siilaanyo hogaaminaayo afartii sanadadood laba bilood baa uga dhiman oo sanad qudha ayaa u hadhay ee bal aynu isbarbar dhigno wanaageedda iyo xumaanteedda; iyaddoo dadku ku aragti duwan yahay!
WAXQABADKA XUKUUMADDA
—————————————
1. Derejadda Ciidamadda
2. Wadooyinka qaarkood inkastoo arrinkani aanu weli dhamaan laakiin 6 km ee Dilla iyo Boorama; iyo qayb laga hagaajiyey waddada madaxtooyadda hor marta; iyo in ka mid ah inta Hargeisa iyo Berbera u dhaxeysa waa intii la odhan karo way dhamaadeen; laakiin inta la dhagax dhigay ayaa badan ee bal aynu eegno.
3. Mushaharkii shaqaalaha oo 100% la kordhiyey- laakiin Kulmiye waaggii 300% ayeey ku balan qaadeen.
4.Burco oo lacagtii laga badelay-
WAXYEELADDA XUKUUMADDA
————————————————-
1. Musuq-maasuq aad u baahsan iyo mashaariic aad u tiro badan oo lacagtooddii la lunsaday sida kii airportka, iyo haamaha, dekadda, iyo lacagihii laga qaadaayey shirkadihii macdanta qodaayey.
2. Cadaalad daro aad u baahsan oo qaybta Garsoorka ah oo ay wasiiradda dawladda iyo madaxtooyaddu faraha kula jirto
3.Cabudhinta Saxaafadda: weriyeyaal aaad u tiro baddan oo layska xidhay sidda HUbaal oo aad loogu gardarooday.
4. Ku takri falidda Hantida Qaranka oo aad u siyaaday
5. Ku shubashadda doorashooyinka oo aan hore uga dhicin Somaliland
6. Shir-qoolka muwaadiniinta sidii Xamar – dilka madaxda
7.Maamul xumo baahsan iyo is daba yaac xukuumadda ah
8. Ku Tumashadda Dastuurka iyo sharciyadda dalka
9. Faro-gelinta maxkamaddaha iyo Baarlamaanka iyo Xisbiyadda
10. Xisbiyadda Qaranka oo La cabudhiyey: Iska-hortaagiddii aanay weli xukuumaddu xaalka ka bixin oo ay madaxtooyaddu afka ka xidhatay ee Jamaal Cali Xuseen, musharaxa UCID Gabiley lagaga hor istaagay iyo isku deygii Burco. Waa xaq daro in muwaadin loo diido magaalo Somaliland ka tirsan waana shay ugub ku ah Somaliland..
11. Eex iyo Qabyaalad lagu siinayo contractska lagu bixinayo.
12. Kibirka faraha badan iyo amaanta faraha badan
13. Laaluushka madax dhaqameedyadda iyo Bulshadda
14. Cabsidda Muwaadiniinta oo hadaad hebel oo mucaaridda la hadashay shaqaddaa lagaa eryeyaa.
15. Shahaado sharafyadda iyo casuumaddaha oo dalka ku batay
16. Canshuuro xad-dhaaf ah -Noloshii oo aad u adkaatay
17. Tayadda Wasiiradda oo aad u xumaatay. Wasiiro aad khibrad badan lahayn iyo Qurbo-joog dalka ku soo lu’goay oo meelahay joogi jireen aad ugu liitay.
Amina Abdi Muxumed
USA

Comments are closed